Saamiga rayidkii loo kiciyey xiisada Somaliland oo lagu tuntey

Image
Mucaaradkii Muuse Biixi ku eedeyn jiray dib-u-dhaca doorashada iyo muddo kororsi ayaa aqbalay go'aanka guddiga.

HARGEYSA, Somaliland - Somaliland ayaa dib-u-dhigtey doorashada madaxtinimada ee loo qorsheeyay ilaa sanadka soo socda, halkii ay ka dhici lahayd bisha November oo uu ku eg yahay madaxweynaha xilka haya, sida ay sheegeen guddiga doorashada maamulkaas Sabtidii.

Bishii Ogosto, maamulka wuxuu wajahay mudaaharaadyo ay dad badani ku dhinteen. Banaanbaxayaashu waxay dalbanayeen in doorashada la qabto bisha November, iyadoo ay jiraan tuhunno ah in madaxweyne Muuse Biixi Cabdi doonayo inuu dib u dhigo doorashada iyo muddo kordhin.

Codbixinta ayaa hadda lagu qaban doonaa sagaal bilood gudahood laga bilaabo Oktoobar - ama bisha soo socota ee Luulyo - sababtoo ah wakhtiga hadda loo qorsheeyay ee Nov. 13 "maaha mid socon kara wakhti, farsamo iyo dhaqaale ahaanba," ayuu yiri guddiga Doorashooyinka Somaliland (SLNEC) oo Sabtidii hadlay.

Somaliland ayaa sheegatay in ay ka go'dey Soomaaliya 1991-kii, balse ma helin aqoonsi ballaaran oo caalami ah oo ku saabsan madax-bannaanideeda.

Caalamka ayaa u aqoonsan maamul goboleed si toos ah u hoostaga dowladda federaalka ah ee Soomaaliya halkasoo loosoo mariyo mashaariicda iyo barnaamijyada kale ee horumarinta.

Rabshadhihii bishii Ogosto dhexmaray ciidamada ammaanka iyo dibadbaxayaasha mucaaradka waxaa ku dhintey ugu yaraan shan qof, halka 100 kalena waa ay ku dhaawacmeen.

Shir-jaraa’id oo ay guddiga doorashadda ku dhawaaqeen kadib, waxa go'aankoodu soo dhaweeyey xisbiga Waddani oo ka mid ah xisbiyadii mucaaridkii u ololeeyey mudaharaadkii Ogosto.

“Waanu soo dhawaynaynaa go’aankaas...waannu ku hambalyaynaynaa inay soo afjareen khilaafkii doorashada madaxtooyada,” ayuu yidhi Maxamuud Aadan Jaamac oo ah xoghayaha warfaafinta xisbiga Waddani oo shirkaa jaraa’id ka hadlay.

Xisbiga WADDANI ayaa safka hore kaga jiray ololaha looga soo horjeedo dib-u-dhaca doorashadda iyo muddo kororsiga Biixi waxaana ogolaanshiyahiisa soo afjareysaa cadaadiskii xukuumadda xisbiga KULMIYE wajahayey.

Tani ayaa ka dhigan in siyaasiyiinta mucaaradka ay ku tunteen saamigii shacabka ay kal horey u soo kiciyeen oo ah in ay ka dhiidhiyaan wax ay ku sheegeen xukun isku dhajinta Muuse Biixi balse haatan ay muuqato in ay qaataan heshiis hoose oo aan la ogayn cidda kasoo shaqeysay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM