Safiirka Turkiga oo Hargeysa tagey, kulana la qaatey Muuse Biixi

Image

HARGEYSA, Somaliland - Wafdi uu hogaaminayo safiirka Turkiga ee dalka Somalia, Mehmet Yilmaz, ayaa booqasho ku tegay magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka gooni isku taaga ah ee Somaliland, halkaasi oo lagu soo dhaweeyay.

Danjire Yilmaz ayaa kulan la yeeshay Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi, iyo mas'uuliyiin kale oo kamid ah Gollahiisa Wasiiradda, oo uu kamid yahay Wasiirka Arrimaha Dibadda, Yaasiin Xaaji Maxamuud.

Sidda laga soo xigtay war qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska Muuse Biixi, dhinacyadda ayaa isla gorfeeyay qodobo ku saabsan nooca xiriir oo ay yeelan karaan Somaliland iyo xukuumadda Ankara.

Wararka ayaa intaas ku daraya in qodobadda laysla soo qaaday ay kamid tahay wadahadalada Soomaaliya iyo Somaliland oo hakad ku jiro, kaasi oo dowladaha garwadeenka ka ah ay kamid tahay Turkiga.

Dowadda Farmaajo ayaa dhowr jeer wuxuu ku cel-celiyay inay ka go'an tahay in dib loo bilaabo wadaxaajoodyadda, balse, maamulka Hargeysa waxay shuruud kaga dhigeen inay noqdaan wadahadalo kuwa mirro dhal ah.

Socdaalka uu danjiraha Turkiga ku tegay magaalada Hargeysa ayaa wuxuu kusoo aadayaa iyadda oo Axadii uu halkaasi tegay wasiirka Gaashaandhiga Ingiriiska oo ay isla meel-dhigeen arrimo ku xeeran amniga gobolka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Cirro Oo Sheegay Inaysan Somaliland Dagaal Kula Jirin dowladda Soomaaliya

Madaxweyne Cirro ayaa sidoo kale ka hadlay qorshaha dowladda Soomaaliya ee dhisidda maamulka cusub ee looga dhawaaqay Laascaanood.

  • Somaliland

    26-10-2025

  • 12:16PM

Madaxweynaha Somaliland oo safar rasmi ah ku tagay Addis Ababa

Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa booqday Addis Ababa kahor inta uusan Cirro gaarin Maanta.

  • Somaliland

    14-10-2025

  • 03:51PM