Saleebaan Gaal: Walaahi Somaliland soo noqon mayso

Image
Image
Image
Image
Image

HARGEYSA, Somaliland - Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland, Saleebaan Maxamuud Aadan oo xalay ka hadlay munaasabada xuska 26-ka June ee ka dhacdey Hargeysa, ayaa xusay in aysan diyaar u ahayn midnimo.

"Cadow badan baynu leenahay oo ay ugu horeeyaan qoladaa Soomaaliya ee aynu nidhi isma qaadi karno, Waxaan leeyahay waar walahi Somaliland Soo noqon mayso," ayuu ka dhawaajiyey Saleebaan Maxamuud Aadan

Saleebaan oo aad ugu dheeraadey weerarida dowlada federaalka ayaa hadalkiisa wuxuu ku daray: "Soomaaliya waxaan leeyahay hadaad qaran noqon weydeen oo aad is madhiseen qabiilo is dhowrta ahaada".

Dhanka kale, Gudoomiyaha Golaha wakiiladda Somaliland, Baashe Maxamed Faarax oo isana ka hadlay xafladda, ayaa dad uusan magacaabin wuxuu ku eedeeyay in ay isku dayayaan "in ay niyad-jabiyaan shacabka Somaliland".

"Waxa la rabaa in layna niyad jabiyo ee ma niyad jabayno weynu isku tashanaynaa shacabka Somaliland ilaa himiladooda gaadho," ayuu tibaaxay isaga oo aan carabaabin cidda dooneysa "in ay niyad-jabineyso".

Geesta kale, madaxwaynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo munaasabada kasoo muuqdey, ayaa is-barbar-dhig wuxuu ku sameeyay hanaanka doorashooyinka maamulkiisa iyo kan ka qabsooma caasimadda Muqdisho.

"Soomaaliya inta aynu 7 doorasho galaynay waxa iyga loogu tag la’yahay in iyakoo 100-qof soo xulaya in ay doortaan madaxweyne oo waxa ka socda aad aragtaan," ayuu carabka ku dhuftay.

Somaliland ayaa 1991-dii waxay ku dhawaaqdey in ay ka madax-banaan tahay Soomaaliya, hase ahaatee, waxay ku hungowdey aqoonsi caalami ah, waxaana wakiilo lagu doorto Muqdisho ku metelaan dowladda federaalka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM