Saraakiil "ka goostay" Danab iyo Gorgor oo lasoo bandhigay

Image

HARGEYSA, Somaliland - Taliska ciidamadda Somaliland ayaa Isniinta maanta ah soo bandhigay afar sarkaal oo ka tirsanaa ciidamadda kumaandooska Soomaaliya, sidda uu baahiyey telefishinka ku hadla afka maamulkaas.

Saraakiishan oo ka kala tirsanaa unugyada Danab iyo Gorgor - oo sida ay u kala horeeyaan u kala tababaraan Mareykanka iyo Turkiga - ayaa sheegay in ay tababar kusoo qaateen waddanka dibadiisa.

Magacyadda saraakiishaas ayaa waxay kala yihiin; Xidigle Yuusuf Maxamed Jaamac, Laba Xidigle Jaabir Ismaaciil Cusmaan, Xidigle Maxamuud Axmed Cali iyo Dable Maxamed Xasan Xaashi.

Wareysi ay siiyeen telefishinka ku hadla afka maamulkaas gooni u goosadka ah ayay cafis kaga dalbadeen madaxda iyo shacabka Somaliland "maadaama aan ka tanaasulnay fekerka midnimadda".

Sidoo kale, waxay carabka ku adkeeyeen "in ay qaldameen". Dhalinta kasoo jeeda Somaliland ee isku koorsada ahaayeen ayay ugu baaqeen "in aysan jirin wax Somaliweyn la yiraahdo" kuna soo laabtan dalkooda.

Mr Maxamuud ayaa intaas ku daray in uu ahaa Taliyihii Warbaahinta, Wacyigelinta iyo Arrimaha Bulshadda ee ururka 4aad ee ciidanka kumaandooska Danab ahna afhayeenka guutada 16aad ee Danab.

Abaanduulaha ciidamada Somaliland, Cabdirisaaq Saciid Af-gaduud oo ka hadlay madasha "lagu soo dhaweeyay" saraakiisha ayaa bogaadiyey talaabada ay qaadeen kuna sifeeyay "mid ku dayasho ballaaran mudan".

"Waan aqbalanay isa soo dhiibka saraakiisha ka tanaasushay fekerkii Somaliweyn. Process-kii hore wuu dhamaadey. Process-kii sharciga ahaana wuu socdaa," ayuu hadalkiisa kusoo koobay Abaanduule Cabdirisaaq.

Dhanka kale, ma jiro wax war ah oo ku saabsan sheegashadan oo kasoo baxdey dhanka Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ama Taliska Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed gaar ahaan unugyada Danab iyo Gorgor.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM

Itoobiya oo u dhaqaaqdey fulinta heshiis beenaadkii Somaliland

Talaabadan ayaa waxa ay kusoo aadaysaa xilli Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu ku sugan yahay Kenya halkaas oo uu kawado olole xoogan.

  • Somaliland

    28-02-2024

  • 04:51AM