​Shacabka Somaliland oo maanta si wanaagsan u ciiday [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

HARGAYSA, Somaliland- Guud ahaan deegaanada maamulka Somaliland, waxaana si nabadgalyo ah uga qabsoomay weynaynta maalinta qiimaha leh ee Ciidul Adxa taasoo dunida Muslimka ahi u dareereen Dukashada Labada Rakcadooda iyo weynaynta malintaasi.

Waalidiinta iyo Carruur loogusoo labisay dhar qurux badan ayaa u dareeray waabarigii hore saaka goobaha cibaadada, si ay usoo gutaan waajibaadka.

Magaalada hargaysa Shacabka badankoodu waxay ku tukadeen salaada Ciidul Adxa Garoonka Hargaysa, balse Madaxweyne Axmed Maxamed Silaanyo, ayaa la ciiday Shacab kooban oo ku Tukaday Masaajidka jaamaca oo ku yaalla caasuamdda Somaliland, isagoo Hambalyana u diray shucuubta Islaamka meelkastoo ay joogaan.

“Maalintani waa maalin qiimo weyn ku leh ummadaha Islaamka meel kastoo ay joogaan. sidaa darteed, waxaa habboon inaynu ummad ahaan la wadaagno farxadda iyo rayn-raynta ciidda barakaysan ee Eebbe inoo jideeyey. Haddaba, si aynu u helno deeq iyo danbi-dhaaf Alle, waxa inagu waajib ah in aynu ilaalinno midnimada iyo wada jirkeena.Waxa inagu waajib ah, inaynu dhammaanteen isu-uursamaanno, isna saamaxno. Waxa inala gudboon inaynu Allaheena wayn u noqonno, iskana cafino wixii xan iyo xumaan ina dhex-martay,”Ayuu yiri madaxweynaha Somaliland.

Saaladda kadib Siilaanyo ayaa xarunta Madaxtooyada ku qaabilay mas'uuliyiin iyo qaar kamid ah hal doorka bulshada.

GAROWEONLINE

Related Articles

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM