Shaqaalaha Dekedda Berbera oo shaqo joojin sameeyay

Image

BERBERA, Somaliland- Shaqaalaha Dekedda Berbara ee gobolka Saaxil ayaa maanta dhigay bannaanbax iyo shaqo joojin isku jira iyagoo ka cabanay caqabado ay sheegeen inay kasoo wajahday dhinaca nolosha.

Qaar kamid ah dadka gadooday oo lahadlay warbaahinta gudaha, ayaa xusay in shirkadda DPWorld oo 1-dii Bisha Saddexaad, la wareegtay maamulka dekeddaas ay cadaadis saartay shaqaalaha.

Waxay sheegeen in lagu amray inay ku shaqeeyaan mushahar yar, hadii kale la keeni doono ajaanib ku shaqaysa awaamiirta iyo rabitaanka shirkadda.

Balse, Guddoomiyaha gobolka Saaxil, ayaa xusay in xaaladda iminka la dajiyay islamarkaana wixii jira lagu dhammayn doono wada-hadal.

Ilaa hadda arrintan kama hadlin tallaabadan shirkadda DPWorld.

Tallaabadan ayaa timid xilli shirkaddan casriyayn ku samaysay Dekedda kadib hishiis ay la gashay xukuumadda Somaliland inkastoo dadka gobolkaas kasoo horjeedeen.

GAROWEONLINE

Related Articles

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM