​Shay Mire Dacar oo Hargaysa ku geeriyooday

Image

HARGAYSA, Somaliland- Fannaankii caanka ahaa Shay Mire Dacar ayaa galinkii dambe maanta ku geeriyooday magaalada Hargaysa ee caasumadda Somaliland, wuxuuna u dhintay xanuun muddooyinkii dambe hayay.

Geerida marxuumka waxaa xaqiijiyay walaalkiisa Caabi Mire Dacar, wuxuuna sheegay in walaalkiis galinkii dambe maanta tii ALLE u timi isagoo tiiraanyada la wadaagay ehelkiisa.

Shay Mire, wuxuu fanka bilaabay sannadihii Sideetameeyadii isagoo ka unkay magaalada Ceerigaabo halkaasoo uga sii gudbay magaalada Bosaso xarunta gobolka Bari.

Fannaanka ayaa tiriyay heeso caan baxay, wuxuuna dalka iyo tibadaba ka dhigay bandhig faneedyo kala duwan.

Balse, muddooyinkii dambe wuxuu ku sugnaa magaalada Hargaysa halkaasoo ay joogaan fannaaniin badan oo dalka magac ku lahaa.

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

GAROWEONLINE

Related Articles

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM