Shir ka furmay magalada Hargaysa

Image
Image
Image

HARGEYSA- Madaxweynaha Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo,ayaa si rasmi ah u daah furay shirweynaha 9-aad ee isu duwidda deeqaha Somaliland, kaas oo ay kasoo qayb galeen wufuud sare oo ka socday beesha caalamka.

Madaxweyne Siilaanyo, ayaa halkaas ka jeediyey khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysay, waxana uu faahfaahin ka bixiyey wada-shaqaynta ay xukuumaddiisu la leedahay beesha caalamka, isagoo ugu mahadnaqay cid kasta oo kalmadaas gacan ka geysata.

Madaxweynuhu waxa uu madashaas ka sheegay in deeqaha beesha caalamku Somaliland siisaa ay kor u qaadeen nolosha muwaadiniinta maamulkaasi.

Siilaanyo ayaa codsaday in la oofiyo ballamo horay loo galay, kuwaas oo ay ka mid tahay kharashaadka diiwaangelinta iyo midda doorashooyinka soo socdaba.

Madaxweynaha Somaliland, waxa uu carrabka ku dhuftay in Qorshaha horumarinta ee maamulkaasi yahay mid xoojinaya sidii mucaawinada Somaliland ay gooni ugu noqon lahayd, qorshahaasi oo la jaanqaadaya maqaamka gaarka ah ee horumarka dalka.

Shirkan ayaa sanadkiiba hal mar qabsooma, waxana ka qayb gala inta badan mas'uuliyiin wakiil ka ah dawladaha Somaliland deeqaha siiya, waxana halkaas la isku weydaarsadaa nidaamka ay lacagahaasi u baxeen iyo nidaaminta kuwa soo socda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM