Sida loogu kala adkaaday doorashada gudoonka xeerdejinta

Image

HARGEYSA, Soomaaliya – Golaha Wakiilada 5aad ee Somaliland ayaa Talaadada maanta ah doortey guddoon rasmi ah iyadda oo xisbiyada mucaaradka ah ee WADDANI iyo UCID ay hogaanka xeer-dejinta kala wareegeen xisbul-xaakimka KULMIYE.

Cabdirisaaq Khaliif oo ka tirsan WADDANI horeyna jagooyin wasiir uga soo qabtey xukuumaddii Siilaanyo ayaa 42 cod kaga badiyey Yaasiin Faratoon, musharaxa KULMIYE la dooneysay jagada afhayeenka kaasoo ay u coddeysay 39 mudane.

Saciid Mire Faarax iyo Cali Xaamud Jibriil oo sida ay u kala horeeyaan ugu kala guuleystay ku xigeenada koowaad iyo labaad ayaa kusoo baxay magaca xisbiga mucaaradka UCID.

Mucaaradkan ayaa labinta ku leh isbaheysi ay sameysteen kadib markii doorashooyinka qabsoomay bishii June ee sanadkan 2021-ka ay ku heleen aqlabiyadda Golaha Wakiiladda.

Sida uu shaaciyey guddiga doorashooyinka guud, WADDANI ayaa soo saartey 31 Xildhibaan, UCID 21 xubnood, halka KULMIYE ay tartanka uga soo baxeen 30 sharci-dejiye.

Isbaheysiyo iska soo horjeeda

Bishii June 6-deeda, 2021, hogaanka xisbiyada mucaaradka, Cabdiraxmaan Cirro (WADDANI) iyo Faysal Cali Waraabe (UCID) ayaa ku dhawaaqay isbaheysi kaasoo ujeedkiisu yahay in ay wada dhistaan shir guddoonka 4-ta sano ee soo aadan.

Sida ku xusan heshiiskooda, xisbiga WADDANI ayaa qaadanaya jagada afhayeenka, halka UCID uu helayo labada ku xigeen.

Is-xulafeysigan ayaa culeys siyaasadeed saarey xisbul xaakimka KULMIYE iyo Madaxtooyadda Somaliland. Xukuumadda Muuse Biixi Cabdi waxay kadib abaabushay olole ay kusoo jiidatay 11 kamid ah mudaneyaasha xisbiga mucaaradka ah ee UCID.

Xubnaha kasoo goostey UCID oo uu kamid yahay xoghayahii xisbiga ayaa loo balanqaadey in laba kamid ah loo dhisayo ku xigeenadda ayna Fatartoon u doortaan guddoomiyaha golaha, hase ahaatee, waxay u muuqataa ku hungoobeen.

Sidee loo kala adkaadey?

Garowe Online ayaa fahamsan in garabyadan iska soo horjeeda ay habeenimadii Isniinta siyaabo kala duwan ugu shireen hoteelo ku yaala Hargeysa. Darafka KULMIYE iyo dhinaca UCID waxay kala tageen ayaga oo wadartoodu tahay 41 xubnood.

Halka isbaheysiga mucaaradka ay shirkoodii u dambeeyay kala dhamaadeen ayaga oo wadartoodu tahay 40 mudane.

"Isbedelka ugu xoogan wuxuu dhacay markii fadhiga golaha la isugu yimid. Laba mudane oo ka tirsanaa garabka Faratoon kalana ah Axmed Nuur Guruuje iyo Cabdikarin Meecad ayaa u coddeeyay Cabdirisaaq taasoo keentay guusha mucaaradka," ayuu yiri qof si dhow ula socday doorashooyinka.

Guruuhe iyo Meecad oo u waramay warbaahinta waxay sheegeen in ay bedeleen mowqifkooda kadib markii la dhaariyey. " Faratoon waa saaxiibkay laakiin waxaan u codeeyay danta Qaranka," ayuu Guruuje u sheegay warbaahinta.

Sidoo kale, siyaasi Maxamuud Xaashi oo kamid ah xubnaha ugu awooda badan KULMIYE ayaa ka ololeeyay Faratoon. Xaashi oo doorashadii June ee baarlamaanka kusoo saartey mudaneyaal waxay Biixi isku qabteen xilka guddoomiyaha guud ee xisbul xaakimka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM