Xisbiyada Somaliland oo ku kala qeybsamay kulanka Farmaajo iyo Biixi

Image

HARGEYSA, Somaliland – Xisbiyadda Somaliland ayaa ku kala qeybsamay shir-madaxeedka Itoobiya agaasintay ee lagu waddo in Jabuuti ay ku yeeshaan madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo maamulka Somaliland.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Muuse Biixi Cabdi ayaa markii labaad is-arkaya sanadkan 2020 gudahiisa maadaama horaantii bishii Febraayo ay isku gacan-qaadeen xafiiska ra'iisul wasaare Abiy Axmed.

Ismaaciil Cumar Geelle, madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, ayaa ku dhawaaqay in uu isaga shir-gudoomin doono wadahadalka oo uu qayb ka ahay Abiy.

Faysal Cali Waraabe, hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID, ayaa si cad u sheegay in ay gabi ahaanba kasoo horjeedaan wada-hadalkaas la iclaamiyey.

"Mawqifkaygu waxa weeye horena waan uga soo horjeeday horena waan u sheegay in aan kulankaasi aanu maanta meesha qaban, wakhtigeediina aanu ahayn. Dawladda Soomaaliya ee maanta lala kulmayaana aanay ahayn dawlad mutaysatay in lala kulmo ayaan u arkaa, markaa guud ahaan kama soo horjeedno in Somaliland iyo Soomaaliya wada hadlaan hase ahaatee dawladda hadda joogta ood ogtahay dhibaatooyinka ay la raadiyeen Somaliland iyo heshiisyadii ay ka baxeen, iyo kii u dambeeyey ee ninkaa arimaha dibada u qaabilsan wixii uu ku hadlayey in la horfadhiistaa waxaan u aragnaa in ay tahay guul darro ku timi Somaliland," ayuu u sheegay laanta Af Soomaaliga ee BBC-da.

Dhanka kale, Khadar Xuseen, xoghayaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa taageeray wada-xaajoodyadda loo muddeeyay Axadda maanta. Fariin qoraal ah oo Facebook uu soo dhigay ayuu ku bogaadiyey.

"30 sano kadib waxaa inoo cad in dariiqa inoo banaani yahay wadahadal aan la galno walaaleheenna Somaaliyeed. Sidii aan wadahadalada uga midha- dhalin lahayn waxay ku xidhan tahay qorshaheena iyo xirfadeenna siyaasadeed, Madaxwaynaha waxaynu kula xisaabtami wixii uu la soo noqdo laakiin hadda aan kalsooni siino. Waxaan rajaynayaa inaan qorsheena run iyo xaqiiq ku salayno oo been iyo caadifad aan ka digtoonaano," ayuu yiri.

Wallow uusan ka dhawaajin hadii uu jiro qorshe dib loogu midoobayo, Mr Waraabe oo u waramay VOA-da, ayaa ka dhawaajiyey in aysan "gorgortan ka geli doonin" mowqifkooda gooni u goosadka ah ee 1991-dii.

Mowqifka xisbiyadda Somaliland ka qaateen shirka ayaa la macno ah in ay ku kala aragti duwanaan doonan natiijo kasta oo kasoo baxda wada-xaajoodyadda oo sidoo kale Beesha Caalamka sidda Mareykanka korjoogto ka yihiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM