​Siilaanyo oo ka hadlay colaadda Dharkayn-geenyo

Image

HARGEYSA- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo), ayaa ka hadlay colaadda beelaha walaalaha ah ku dhexmaraysa deegaanka Dharkeyn-geenyo ee gobolka Sool, isagoo ugu baaqay dhinacyada is haya inay soo afjaraan dhibaatada dhexdooda ka taagan.

Muqaal la baahiyay ayaa madaxweyne Siilaanyo uga hadlay dhibaatada dagaalkaasi, wuxuuna dhuubabka dhaqanka labada dhinac usoo jeediyay inay guntiga u xirtaan sidii arrintaasi lagu soo afjari lahaa.

Mudane Siilaanyo waxa uu tilmaamay in xukuumaddiisa ay ka go’an tahay xallinta dhibkii dhacay, islamarkaana diyaar la tahay wixii awoodeeda ah.

”Waxaan ku baaqayaa in degdeg loo joojiyo colaadda sokeeye, waxa aan garaadada, cuqaasha iyo waxgaradka iyo culimada ugu baaqayaa inay gurmadaan, isla-markaana degdeg loosoo afjaro dhiigga dadka walaalaha ah ee qubanahaya. Ka xukuumad ahaan waxa naga go’an inaanaan waxba ka hagran sidii colaadaasi isku taagi lahayd,” Ayuu yiri Madaxweyne Siilaanyo.

Baaqa madaxweynaha, ayaa daba socda mid kale oo dhawaan xukuumadda Somaliland soo saartay, waxana xusid mudan in xukuumaddu ciidamo aan tiradoodu badnayn kala dhex dhigtay beelaha dagaallamaya.

Beelaha ku dagaallamaya deegaanka Dharkeyn geenyo, ayaa dhibaato laxaad leh is gaarsiiyay, waxana dhimashadu haatan ku dhawdahay ilaa iyo soddon ruux, halka tiro intaas ka badan ay dhaawac yihiin, iyadoo ay wali  taagan tahay warwarka dhibaatada beelahaas ka dhex aloosani.

Majirto waxa war ah oo kasoo baxay dhinaca Puntland, maadaama gobolka Sool qaybo kamid ah ka taliyaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Somaliland oo Dalbatay in Soomaaliya Dib Loogu Soo Celiyo Cunaqabateynta Hubka

Somaliland, oo 1991-kii ku dhawaaqday inay kaga go’day Soomaaliya inteeda kale balse aan weli helin aqoonsi caalami ah.

  • Somaliland

    03-08-2025

  • 03:52PM

Somaliland oo sharci darro ku tilmaantay maamulka cusub ee Waqooyi Bari

Wasiirka Warfaafinta, Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle, oo warbaahinta la hadlay kadib kulanka, ayaa sheegay in Somaliland...

  • Somaliland

    02-08-2025

  • 01:45PM