​Siilaanyo oo ka qayb galay aaska John Drysdale

Image

HARGEYSA, Somaliland- Waxa magaalada Hargeysa lagu aasay Marxuum Cabaas Idiris oo hore loogu yaqaanay John Drysdale, kaasoo dhalasho ahaana kasoo jeeday dalka Britain, balse muddo dheer ku noolaa Somaliland gudaheeda.

John Drysdale oo Somaliland yimi 73­sano ka hor xiligaas oo uu askari laba xidigle ahaa, ayaa xilal kala duwan ay dawladda ingiriisku uga igmatay Somaliland, waxana uu diinta islaamka qaatay sanadkii 2010­kii, isagoo Sidoo kale qaatay jinsiyadda Somaliland.

Marxuum Cabaas Idiriis, Ex John Drysdale, ayaa Hargeysa ku geeriyooday laba maalmood ka hor, waxana aaskiisa ka qaybgalay Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Siilaanyo, diblomaasiyiin shisheeye ah, siyaasiyiin axsaabta mucaaridka katirsan iyo dadweyne kale oo aad u tiro badan, waxana geeridiisa si weyn looga dareemay Somaliland.

John Drysdale Waxa uu muddo dheer ku noolaa Somaliland, waxana uu muddooyinkii ugu dambeeyey ka shaqeynayey arrimaha kala xadaynta beeraha oo uu khabiir ku ahaa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Somaliland oo safar rasmi ah ku tagay Addis Ababa

Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa booqday Addis Ababa kahor inta uusan Cirro gaarin Maanta.

  • Somaliland

    14-10-2025

  • 03:51PM

Cirro oo taageeray Trump in la siiyo Abaalmarinta Nabadda ee Nobel Peace Prize

Madaxweyne Irro waxa uu sidoo kale soo dhaweeyay warqad furan oo uu Senatarka Mareykanka ah Ted Cruz u diray Trump.

  • Somaliland

    24-08-2025

  • 12:14PM