​Siilaanyo oo la kulmay Madaxa Inter Peace [Daawo]

Image
Image
Image
Image

HARGAYSA, Somaliland- Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa maanta xarunta madaxtooyada ee magaalada Hargaysa kulan kula qaatay Madaxa hay'adda Inter Peace oo fadhigeedu tahay magaalada Geneva dalka Switzerland Scott M. Weber.

Labada mas'uul ayaa kawada hadlay arrimo ku aadan hormarka maamulkaasi iyo mashaariicda Inter Peace ka fuliso deegaanada Somaliland.

Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo oo warbixin siinayay Mr. Scott ayaa sheegay in maamulkaasi gaaray hormar ballaaran isagoo tilmaamay in deegaanada Somaliland wada gaartay dimuqraadiyaddu.

Siilaanyo ayaa soo hadal qaaday booqasho uu ku tagay gobolka Sool kaasoo sheegay inuu kamid yahay gobollada maamulkiisa, wuxuuna xusay inay kasoo hirgaliyeen mashaariic badan dadkana kusoo wacyigaliyeen qaabka loo keenayo sanaadiiqda codbixinta iyo habka ay codadkooda u dhiibanayaan.

Dhinaca kale Agaasimaha Inter Peace oo hadalka qaatay ayaa ammaanay hormarka maamulkaasi gaaray isagoo sheegay inay la garab taagnaan doonaan taageeradoodaa maadaamada sida uu sheegay doorasho ka dhici doonto sannadkna 2016.

Scott, ayaa carrabka ku dhuftay inay maqsuud ka yahay qaabka wadashaqayntu ugala dhaxayso Somaliland, wuxuuna tilmaamay inay sii wadi doonaan Shanta sano ee soo socota.

Booqashada Madaxa Inter Peace ayaa kusoo aaday xilli Somaliland diyaar garow ugu jirto doorashada madaxtinimo ee dhici doonta sannadka soo socda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM