Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay Buuhoodle [Khasaaraha]

Image
Image
Image

BUUHOODLE, Soomaaliya - Labo qof, oo uu ku jiro Wasiirkii hore ee maamulkii Khaatumo State, Axmed Maxmuud Dalool ayaa ku dhintay Qarax is-miidaamin ah oo caawa fiidkii ka dhacay magaalada Buuhoodle, ee xarunta gobolka Togdheer.

Goobjooge la hadlay Garowe Online ayaa xaqiijiyay in qof isku soo xiray walxaha qarxa uu beegsadey Gaari ay wateen Wasiirka iyo Siyaasi kale oo lagu magacaabi jiray, Cabdfitaax Maxamed [Rodaman], xilli ay kasoo baxeen Masjid salaadii maqrib kadib.

Cabditifaax Maxamed Cali oo 2013-kii ay Xasan Daahir Aweys iskala soo baxsadeen Al-Shabaab, isagoo xilligaasi u ahaa Kooxda madaxa Maaliyadda iyo Axmed Dalool, oo isna Xukuumaddii Cumar Cabdirashiid kasoo shaqeeyay ayaa ku dhintay qaraxa.

Afar qof oo kale oo shacab ah ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen qaraxan Is-miidaaminta ah, oo noqonaya midkii ugu horeeyay Taariikhda oo ka dhacay magaalada Buuhoodle, oo maamul ahaan hoostaga hadda Somaliland.

Lama oga sababta loo bartilmaameedsaday mas'uuliyiintan iyo cidda ka dambeysa qaraxa, balse Saraakiisha amniga ayaa sheegay inay wadaan baaritaan ku aadan dhacdadan ubugga ku ah magaalada.

Wixii kusoo kordhaa warkan, kala soco wararkeena dambe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM