Siyaasiyiin ka tirsanaa Kulmiye oo ku biiray xisbiyada mucaaradka

Image

Siyaasiyiin caan ka ah Somaliland kana tirsanaa xisbiga talada haya ee Kulmiye ayaa maanta ku biirray xisbiga mucaaradka ee Wadani.

Siyaasiyiintan ayaa ahaa kuwo horray uga carooday xisbiga Kulmiye kana tirsanaa dowlada Madaxweyne Siilaanyo. Waxay horray u diideen doorashadii xisbiga Kulmiye loogu doortay Muuse Biixi inuu xisbiga musharax madaxweyne u noqdo.

Image captionSiyaasiyiin ka tirsan Kulmiye ayaa ku biiray WaddaniSiyaasiyiin caan ka ah Somaliland kana tirsanaa xisbiga talada haya ee Kulmiye ayaa maanta ku biirray xisbiga mucaaradka ee Wadani.

Siyaasiyiintan ayaa ahaa kuwo horray uga carooday xisbiga Kulmiye kana tirsanaa dowlada Madaxweyne Siilaanyo. Waxay horray u diideen doorashadii xisbiga Kulmiye loogu doortay Muuse Biixi inuu xisbiga musharax madaxweyne u noqdo. 

Raggan waxaa ka mid ah, Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji iyo wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Maxamed Biixi Yoonis. Muddo billooyin ah ayay wadahadalo kula jireen xisbiga mucaaradka ee Wadani, maanta ayayna shaaciyeen inay rasmiyan uga mid noqdeen xisbigaasi. 

Waraysi ay labadan mas'uul siiyeen BBC-da ayay ku sheegeen inay xoojinayaan xisbiga Wadani qaabdhismeedkiisana wax laga badali doono. 

Somaliland waxaa ka dhisan sadax xisbi oo kala ah; Kulmiye oo taladda haya, iyo xisbiyada mucaaradka ee UCID iyo Waddani. Doorashada guud ee madaxweynaha Somaliland ayaa lagu wadaa in la qabto bisha March ee sanadka 2017-ka.

BBC

Related Articles

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM