​Somaliland: Arday imtixaanka Shahaadiga ah u fariistay

Image

HARGEYSA- Waxa gebi ahaanba si rasmi ah Somaliland uga bilaabmay imtixaanka shahaadiga ah ee fasallada afraad ee dugsiyada Sare iyo fasallada siddeedaad ee dugsiyada Hoose Dhexe ee sanad-dusiyeedka 2015-2016-ka.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo tacllinta sare Somaliland, Cabdilaahi Ibraahim Habbane, ayaa shaaciyey inuu imtixaankii bilaabmay, isagoo sheegay inay sanadkan u fariisteen 25046-arday oo iskugu jira dugsiyada sare iyo kuwa dhexe, iyadoo imtixaankaasna lagu geli doono 190-goobood.

Wasiirku waxa uu sheegay in fasalka Sideedaad sanadkan u fariisteen 45145-arday oo 9167-kamid ah wiilal yihiin, halka  5978-kamida hablo yihiin.

Dugsiyada sare ayuu sidoo kale Habbane xusay in imtixaanka u fariisteen 9901-arday oo 6493-ka mid ah wiilal yihiin, halka 3408-ka kalena hablo yihiin.

Wasiirku waxa uu kula dardaarmay dhammaan ardayda imtixaanka soo xaadiray inay kalsooni muujiyaan, isla-markaana iska dhaafaan qishka iyo waxyaabaha kale ee mustaqbalkooda lumin kara.

Somaliland waxa sanad walba imtixaanka shahaadiga ah u fadhiista arday tiro badan kuwaas oo marka dambena jaamacadaha sii gala.

Waxaase wali taagan oo aan waxba laga qaban shaqo la'aanta soo wajahda dhalinyarada waxbarta kuwaasi oo intooda badan dantu ku kallifto inay tahriibaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo looga yeeray Jabuuti

Wuxuu madaxweynaha ku wehlinayaa safarkiisa xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda.

  • Somaliland

    21-05-2025

  • 09:19AM

Somaliland oo si rasmi ah u hakisay wadahadalladii Federaalka Soomaaliya

Somaliland ayaa sheegtay in ay si taxadar leh uga fiirsan doonto xiriirka iyo wadahadallada mustaqbalka DFS, iyadoo xaaladda sii xumaanaysa.

  • Somaliland

    16-04-2025

  • 04:54PM