​Somaliland: Boliiska oo qabtay dad dil gaystay

Image

Burco- Ciidamada Booliska Somaliland, ayaa gacanta kusoo dhigay saddex eedaysane oo lagu tuhmayo dilka nin darawal ahaa oo maanta lagu dilay magaalada Burco.

Marxuumka dhintay oo lagu magacaabi jirey Yuusuf Muuse Cawil (Budul), ayaa lagu toogay bartamaha magaalada Burco, waxaana ciidamada Boliisku dabagal dheer kadib ku guulaysteen inay soo qabtaan saddex nin oo dilkiisa loo aanaynayo, kuwaas oo gacanta ciidanka ku jira.

Afhayeenka ciidanka Boliiska Faysal Xiis, ayaa warbaahinta u xaqiijiyey inay ciidamadu  soo qabteen raggii dilka geystay, isla-markaana sharciga la horgeyn doono.

Marxuumka dhintay, ayaa kasoo jeeday degmada Buuhoodle, waxaana wararka dilkiisa laga helayaa sheegayaan in aano qabiil loo dilay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Somaliland oo Dalbatay in Soomaaliya Dib Loogu Soo Celiyo Cunaqabateynta Hubka

Somaliland, oo 1991-kii ku dhawaaqday inay kaga go’day Soomaaliya inteeda kale balse aan weli helin aqoonsi caalami ah.

  • Somaliland

    03-08-2025

  • 03:52PM

Somaliland oo sharci darro ku tilmaantay maamulka cusub ee Waqooyi Bari

Wasiirka Warfaafinta, Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle, oo warbaahinta la hadlay kadib kulanka, ayaa sheegay in Somaliland...

  • Somaliland

    02-08-2025

  • 01:45PM