​Somaliland: Cirro oo loo diiday inuu maxbuus xiran booqdo

Image

HARGAYSA, Somaliland- Guddoomiyaha golaha wakiillada Somaliland ahna Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, ayaa maanta laga hor istaagay inuu booqdo maxbuus ku xiran saldhigga dhexe magaalada Hargaysa.

Ninka xiran oo lagu magacaabo Muniir Axmed Cigaal ayaa katirsan xibsigaas Mucaaradka ah, waxaana  weheliya Wariye Cali Mahdi Jibriil, oo loo haysto inay waxyeello gaarsiiyeen nin qoraal ah oo magaciisa lagu sheegay Jamac Jiir, kaasoo sheegay in laga jabiyay gacan iyo Ilig kadib markii koox nimankaasi hogaamiyaan soo weerareen.

Ashtago uu geeyay Booliiska, ayaa labadaasi nin lagu xiray, waxaana saaka waabarigii mas'uuliyiin uu horkacyo Cabdiraxmaan Cirro isku dayeen inay ku booqdaan Saldhigan, waxaana is-hortaag ku sameeyay ciidamada halkaasi joogay.

Cirro, ayaa ka hadlay sababta xabsiga loogu diiday, wuxuuna eedayn dusha uga tuuray xukuumadda isagoo sharci darro ku tilmaamay qaabka loo maraya sarkaalkan xarigiisa.

"Waxaan shacabka Somaliland u sheegayaa wixii ka dhacay saldhiga dhexe ee magaalada Hargaysa waxa uu fool xumo ku ahaa qaranimada Somaliland iyo dawladnimadaba,waxaanu subixii hore ee saaka ku tagnay saldhiga dhexe ee Hargaysa aniga iyo saraakiil ka socday xisbiga waddani,waxaanu u soconay oo kaliya sarkaal sare oo ka xidhan xisbiga waddani si aanu u soo salaano oo kaliya,waxaanu xadhigaas u aragnaa xadhig siyaasadeed oo cid uu ilaa hadda uu u xidhan yahay aan la garanayn,"Ayuu yiri Afhayeenka golaha wakiillada Somaliland.

Eedayntaas, waxaa ka hadlay wasiirka Arrimaha Gudaha, Maxamed Muuse Diiriye oo sheegay in raggaas sifo qaldan u tageen xabsiga, wuxuuna dhaleecayn dusha uga tuuray Mudane Cirro oo ku eedeeyay inuusan maamuli karin dalka, hadii ay isku dhacayaan ilaalada xabsiga, isagoo xusay inuu qaab khaldan ku tagay saldhigga dhexe ee Hargaysa.

“Gudoomiyuhu wuxuu doonayaa inuu madaxweyne noqdo saldhigyda askartii joogtayna way is qabqabsanayaa, hadii uu doonayo inuu booqdo waxay ahayd in uu wasaaradda arrimaha gudaha yimaado ama saldhiga, inta meesha socotay Cirro oo kaliya may ahayn ee dhawr iyo toban nin oo ahaa raggii waaweyna oo dalka wax ka soo xukumay ayaa ka mid ahaa dadka meesha marayey, culayska intaas leeg saldhigyaddu ma ogolaanayo,  saldhigay waydiinayeen maxaa loo xidhay inay anaga uga jawaabi lahayn waxa loo xidhee inay anaga noo yimaadaan bay ahayd,"Ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland mudane Diiriye.

Arrintan ayaa timid, xilli maamulkaas dhawaan gali doono doorasho madaxtinimo iyo mid Baarlamaan, waxaana socda loollan xooggan oo dhinaca axsaabta ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Biixi: Dhaqangelinta heshiiska badda ee Itoobiya iyo Somaliland waa mid aan la joojin karin

Laakin inta badan xubnaha beesha caalamka waxay u taagan yihiin midnimada Soomaaliya oo dhan taasoo wargelinaysa abaabulka kheyraadka iyo dirista.

  • Somaliland

    20-05-2024

  • 05:11PM

Catriona Laing oo booqasho Macsalaamaysa ah ku tagtay Somaliland

Kulanka waxa madaxweynaha ku wehelinayey wasiir-ku-xigeenka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga, ahna ku-simaha wasiirka, Rooda Jaamac Cilmi.

  • Somaliland

    14-05-2024

  • 05:43PM