​Somaliland: Cumar Seerbiya oo helay Xorriyadiisa

Image

HARGAYSA, Somaliland- Maamulka Somaliland ayaa dib xoriyadiisa u siiyay Wariye Cumar Seerbiya oo muddo saddex maalmood ah ku xirnaa xabsi ku yaalla magaalada Hargaysa, kadib markii la qabtay isagoo kasoo safray caasumadda Muqidishu.

Wariyahan oo ka howlgalyay warbaahinta Goob joog ayaa lagu xiray Garoonka diyaaradaha Cigaal, isagoo ay weheliso Xaaskiisa.

Seerbiya oo kasoo jeeda deegaanada Somaliland ayaa muddooyinkii dambe ku sugnaa Muqdishu, waxaana xarigiisa loo aanaynayay inuu la xariiro booqashadii Xamar.

Mar uu maanta ka hadlay dareenkiisa, wuxuu sheegay inuu ku faraxsanyahay xorriyadiisa loo soo celiyay, isagoo u mahadceliyay dadkii ka qayb qaatay in lagasii daayo gacanta dowladda.

"Saddex maalmood ka dib waxaan ahay xor, Libaax nin Ganay iyo nin Galladayba wuu ogyahay! Ehelkayga iyo asxaabtii waqtiga ku bixisay xornimadayda waa mahadsanyihiin," Ayuu yiri Cumar.

Majirto faah faahin kasoo baxday taliska Booliiska iyo xukuumadda Somaliland oo ku aadan sababta loo xiray, balse tallaabadan ayaa daba socotay Xarig kala duwan oo dhowr jeer oo hore lagula kacay Shakhsiyaad booqday Muqdishu.

GAROWEONLINE

Related Articles

Somaliland oo Dalbatay in Soomaaliya Dib Loogu Soo Celiyo Cunaqabateynta Hubka

Somaliland, oo 1991-kii ku dhawaaqday inay kaga go’day Soomaaliya inteeda kale balse aan weli helin aqoonsi caalami ah.

  • Somaliland

    03-08-2025

  • 03:52PM

Somaliland oo sharci darro ku tilmaantay maamulka cusub ee Waqooyi Bari

Wasiirka Warfaafinta, Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle, oo warbaahinta la hadlay kadib kulanka, ayaa sheegay in Somaliland...

  • Somaliland

    02-08-2025

  • 01:45PM