Somaliland: Golaha Guurtida oo baasiin kusii shubay xiisada doorashada

Image
Mudaneyaasha Aqalka ayaa maanta muddo kordhin laba sano ah u sameeyay Muuse Biixi Cabdi.

HARGEYSA, Somaliland - Golaha Guurtida Somaliland ayaa muddo laba sano ah ugu kordhiyay muddo xileedka madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, kadib kulan uu goluhu maanta iskugu yimid. Guurtida ayaa sidoo kale muddo shan sano ah ku korosatay muddo xileedkooda, kaddib codkii maanta.

Dhawaan guddi doorashada Somaliland ayaa sheegay inaysan doorashada Somaliland ku dhici karin xilligii loo tala galay inay ku qabsoonto oo ku aaddan bisha December 2022. Xisbiyada mucaaradka weli kama hadlin kororsiga muddo xileedka hay'adaha dowladda.

Dhowr jeer oo hore ayay mucaaradku diideen muddo korosi, iyaga oo ku baaqay in doorashada guurtida iyo madaxweynaha isku mar wakhtigooda lagu qabto, waxaana dibadbaxyo looga soo horjeedo dib u dhaca doorashada ay ku qabteen magaalooyinka kala duwan ee Somalilland.

Somaliland ayaa dib-u-dhigtey doorashada madaxtinimada ee loo qorsheeyay ilaa sanadka soo socda, halkii ay ka dhici lahayd bisha November oo uu ku eg yahay madaxweynaha xilka haya, sida ay sheegeen guddiga doorashada maamulkaas Sabtidii.

Bishii Ogosto, maamulka wuxuu wajahay mudaaharaadyo ay dad badani ku dhinteen. Banaanbaxayaashu waxay dalbanayeen in doorashada la qabto bisha November, iyadoo ay jiraan tuhunno ah in madaxweyne Muuse Biixi Cabdi doonayo inuu dib u dhigo doorashada iyo muddo kordhin.

Codbixinta ayaa hadda lagu qaban doonaa sagaal bilood gudahood laga bilaabo Oktoobar - ama bisha soo socota ee Luulyo - sababtoo ah wakhtiga hadda loo qorsheeyay ee Nov. 13 "maaha mid socon kara wakhti, farsamo iyo dhaqaale ahaanba," ayuu yiri guddiga Doorashooyinka Somaliland (SLNEC).

Somaliland ayaa sheegatay in ay ka go'dey Soomaaliya 1991-kii, balse ma helin aqoonsi ballaaran oo caalami ah oo ku saabsan madax-bannaanideeda.

Caalamka ayaa u aqoonsan maamul goboleed si toos ah u hoostaga dowladda federaalka ah ee Soomaaliya halkasoo loosoo mariyo mashaariicda iyo barnaamijyada kale ee horumarinta. Rabshadhihii bishii Ogosto dhexmaray ciidamada ammaanka iyo dibadbaxayaasha mucaaradka waxaa ku dhintey ugu yaraan shan qof, halka 100 kalena waa ay ku dhaawacmeen.

GO + VOA

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM