Somaliland: Golaha Wakiilada iyo Guurtida oo heshiis ka gaaray Khilaafkii Doorashooyinka

Image
Muuse Biixi ayaa 22-dii bishan Golaha Guurtida dib ugu celiyay xeerarka doorashooyinka.

Hargaysa, Soomaaliya - Labada Gole ee Wakiilada & Guurtida Somaliland ayaa maanta heshiis ka gaaray khilaafkii ka dhax taagnaa, kaasi oo ku saabsanaa xeerarkii doorashooyinka, waxa ayna labada dhinac isla meel dhigeen qodobo dhwor ah.

Qodobadaasi ayaa ka mid ah:

1- In Muuse biixi uu dib ugu soo celiyo Xeerka Doorashooyinka Golaha Wakiilada.

2- Golaha Wakiilladu waa in uu 3 maalmood gudahood ugu soo gudbiyo xeerka Golaha Guurtida.

3- In Golaha Guurtidu Muddo 10 maalmood ah dib ugu soo celiyaan xeerka Golaha Wakiilada.

4- In doorashadu wakhtigeeda ku qabsoonto oo aanay ka dhicin.

Muuse Biixi ayaa 22-dii bishan Golaha Guurtida dib ugu celiyay xeerarka doorashooyinka oo ay hore goleyaasha wakiillada iyo guurtidu u meelmariyeen, ka dib sidoo sheegay Codsi kaga yimid Golaha Guurtidu.

Balse tallaabadan ayaaa hurisay Khilaaf u kala dhaxeeyay labada Gole, xilli mucaaridka ay ku tilmaameen isku day looga gol leeyahay in doorashada looga meereysto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM