Somaliland: Gollaha Guurtida oo baaq u diray xisbiyadda is-khilaafsan

Image

HARGEYSA, Somaliland - Afhayeenka Gollaha Guurtida ee Somaliland, Saleeban Maxamuud Aadan oo ka qaybgalay munaasabad ka dhacday magaalada Hargeysa ayaa si kulul uga hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee maamulkaan.

Ugu horeyn, Gudoomiye Aadan oo ka hadlay colaadaha ka oloolsan gobolka Sool gaar ahaan Tukaraq iyo Dhumay ayaa ku tilmaamay in maamulkaan gooni isku taag ah uu dhexda uga jiro "colaad sokeeye".

"Waa colaad sokeeye oo qaruun ah," ayuu hadalkiisa kusii daray, isaga oo intaas raaciyay in dagaalka tuulada ku taala xadka kala qaybiya Somaliland iyo Puntland ay tahay "mid shisheeye".

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu Gudoomiyuhu soo hadal-qaaday khilaafka xisbiyadda Somaliland, kaasi oo salka ku haya doorashooyinka Gollayaasha Baarlamaanka iyo degaanada oo mudgi uu ku jir.

Aadan ayaa ugu baaqay axsaabta inay ka shaqeeyaan nabadda, isaga oo ku booriyay inaanu kala qaybin shacabka Somaliland, kuwaasi oo haatan la kala safan hogaamiyaasha siyaasadaha is-diidan kala wata.

"Uma baahnin kala qaybin. Dib ugu noqdo shirarkii aad wadeen iyo wanaagii axsaabee," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Afhayeenka Gollaha Guurtida ee Somaliland, Saleeban Maxamuud Aadan.

Somaliland ayaa haatan dhexda uga jira khalaaso siyaasadeed oo dhinaca doorashadda ah, taasi oo laga cabsi qabo inay sii xoogeysato, meeshana ka saari karta doorashooyinka fooda kusoo haya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Cirro Oo Sheegay Inaysan Somaliland Dagaal Kula Jirin dowladda Soomaaliya

Madaxweyne Cirro ayaa sidoo kale ka hadlay qorshaha dowladda Soomaaliya ee dhisidda maamulka cusub ee looga dhawaaqay Laascaanood.

  • Somaliland

    26-10-2025

  • 12:16PM

Madaxweynaha Somaliland oo safar rasmi ah ku tagay Addis Ababa

Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa booqday Addis Ababa kahor inta uusan Cirro gaarin Maanta.

  • Somaliland

    14-10-2025

  • 03:51PM