Somaliland: Hargeysa oo si wanaagsan looga ciiday [SAWIRRO]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

HARGEYSA, Somaliland - Shacabka magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland ayaa maanta si wanaagsan u ciiday, iyagoo salaadda Ciidul Fidriga kula tukaday meel barxad ah mas'uuliyiin kala duwan.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Saylici, ayaa shacabka ku dhaqan garoonka kubadda cagta GANNAD ee caasimadda Hargeysa kala qayb-galay salaadda Ciidul-fidriga.

Saylici wuxuu salaadda kaddib kumannaan kamid ah shacabkii garoonka Gannad ku tukanayey u jeediyey khudbad uu uga hadlay muhiimada wada-jirka iyo isku-tashiga ummadda, isaga oo shacabkanna Eebbe uga baryey inuu ka aqbalo cibaadadii ay soo wadeen bishii barakaysnayd ee Ramadaan.

Dhanka kale, Saylici ayaa ka hadlay Colaadda gobolka Sool, oo uu si lamid ah Muuse Biixi ugu eedeeyay inay ka dambeyso dowladda Federaalka, oo uu aaminsan yahay inay tahay cid ay dagaalka kula jiraan.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa daboolka ka qaadey inay dowladda Soomaaliya ku hawllan tahay sidii ay dabka ka huraya gobollada Koonfurta dalka ugu soo rari lahayd gudaha Somaliland.

Somaliland ayaa isku dayaysa in dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay dusha u surta mas'uuliyadda dagaalka gobolka Sool, iyadoo lawada ogyahay in cida ay dagaalka kula jiraan tahay dowladda Puntland.

Wasiirka Warfaafinta Puntland, Cabdi Xirsi Cali Qarjab oo dhawaan Shir Jaraa'id ku qabtey Garoowe ayaa beeniyay warka maamulka Muuse Biixi ee ah in dowladda Federaalka ay ku lug leedahay dagaalka Tukaraq.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM