Somaliland: Haweenay "ku xadgudubtay" gabar oo la xiray

Image

HARGEYSA, Somaliland – Booliska maamulka Somaliland ayaa lagu waramay in uu xabsi u taxaabay Samsam Ismaaciil Cartan oo dhowaan kasoo muuqatay baraha bulshada iyadda oo "ku xadgudbeysa gabar u shaqeyneysay".

Samsam oo ruuxadeeda muuqaalka ku faafisay baraha bulshadda ayaa sheegtay in Ayaan Maxamed Yuusuf oo ah gabadha u shaqeyneysay "ay sun ugu dartay cuntada," waxaana ay waydiineysaa "cidda soo dirtay".

Dadka ka falceliyey muuqaalkaas ayaa muujiyey carro xoogan, waxaana ay soo jeedinayeen baaqyo ay kamid tahay in lasoo xiro lana maxkamadeeyo Samsam.

Sidda ay warbixinada xusayaan, bileyska oo tegay guriga Samsam sameeyayna baaris qoto dheer ayaa ugu dambeyntii waxay maanta xireen haweenayda taasoo wajaheysa dacwad la xiriira "ku tumasho xuquuqda shaqaalaha".

Ma cadda goorta maxkamad lasoo taagi doono Samsam. Balse, waxaa la filayaa in Maxkamadda awooda u leh ay muddeyn doonto taariikhda.

Dhanka kale, maamulka Bangiga Dhexe ee Somaliland ayaa shaaciyey in ay shaqaale rasmi ah u qaateen Ayaan Maxamed Yuusuf.

War-saxaafadeed kasoo baxay maamulka Bangiga oo aan lagu soo bandhigin shaqada ay qaban doonto gabdha yar ayaa lagu xusay in loo shaqaaleysiiyay "in ay wadatay calanka Somaliland iyo daruufta qoyskeeda haysata".

"Madaxda Sare ee Baanka Dhexe ee [Somaliland], markii ay arkeen muuqaalka lagu baahiyay barraha bulshadda ee ku saabsan gabadha yar ee gacanta ku xidhan calanka [Somaliland], taas oo ay muuqatay ku xadgudub xuquuqiyaadka aasaasiga ah ee gabadha yar, isla markaana ay arkeen duruufaha ku gadaaman qoyska gabadha yar; Waxaa uu Guddoomiyaha Baanku Go'aamiyay in gabadhaas yar laga shaqaalaysiiyo Baanka Dhexe ee [Somaliland]," ayaa lagu yiri.

Ayaan oo da'deeda lagu qiyaasay 10 illaa 15-jir ayaa Jaariyad ka ahayd hoyga Samsam Ismaaciil Cartan oo ku yaala magaalada caasimadda ah ee Hargeysa. Kiiskeeda wuxuu iftiiminayaa in ay jiri karaan tacadiyo kale oo daahsoon.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM