​Somaliland: Khilaaf ka dhex qarxay madaxda xisbiga Ucid

Image

HARGAYSA- Khilaaf hor leh, ayaa mar kale ka dhex qarxay guddoomiyaha xisbiga mucaaridka Ucid Eng. Faysal Cali-waraabe iyo musharaxa madaxweynenimo ee xisbigaas Jamaal Cali Xuseen, waxana labadan masuul warbaahinta isu mariyeen hadallo mid waliba kan kale ku takoorayo.

Faysal Cali Waraabe, ayaa ugu horrayn diiday musharraxnimada Jamaal, isagoo tilmaamay inay dhammaatay muddadii sharciga ahayd ee musharraxa ka ahaa Ucid,  wuxuuna sidoo kale raaligelin ka bixiyey eedo uu dhawaan Jamal u jeediyey guddoomiyaha Kulmiye iyo rag kale oo  ganacsato ah.

Dhinaca kale Jamaal Cali Xuseen, ayaa si caro leh uga falceliyey hadalka guddoomiye Faysal Cali-waraabe, waxana uu si cadu sheegay inuu maxkamad la geli doono, isla-markaana aanu ka hari dooni,

“Arrrinta khilaafka xisbiga Ucid waxaanu la tagi doona dhinca sharciga , hadii uu sharcigu noo shaqeyn waayana waxay nagu kalifeysaa wixii rag sameyn jiray in aanu  samayno,markaas Faysaloow adiga iyo kuwa dabada kaa soo riixaya ee Muuse Biixi iyo Maxamed Aw Siciidna waanu iska celin doona , adiguna gudoomiye noo noqo meysid. Faysal Cali Waraabna waxii ragiIska yeeli jiray ayaanu samayn doonna,”Sidaasi waxaa yiri musharax Jamaal Cali Xussen.

Waa markii labaad ee khilaaf aan waxba la isula harin ka dhex qarxo labadan siyaasi, waxana xusid mudan in hadda ka hor musharrixii jagada madaxweyne-ku-xigeen ee xisbigaas Cabdirashiid Xasan Mataan khilaaf dartii uga  dhaqaajiyey Ucid.

GAROWEONLINE

Related Articles

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM