​Somaliland: Mas'uul ka iska casilay xisbiga Wadani

Image

HARGAYSA- Xog-hayihii warfaafinta ee xisbiga waddani Boobe Yuusuf Ducaale, ayaa shaaciyey inuu  gebi ahaanba iska casilay xubinimadii iyo xilkii uu xisbiga mucaaradka Waddani ka hayey.

Boobe oo saxaafadda la hadlay, ayaa si sarbeeban u cabiray sababta uu xisbigaas iskaga casilay, wuxuuna sheegay inuu saluug dartii go’aankaas u qaatay.

“Isma aan lahayn xisbiga Waddani waxad ugu tegaysaa xarun maran, xafiisyo maran, iyo xilal maran, sidii aan isu lahayn saluug badan baad xukuumadda ugu tegaysaa markii aan wasiirka noqonayey, taasina waa ta saluugga keentay, waayo aragnimada taban ee aan xukuumad iyo xisbiga kala kulmay waxa ugu mudan sida ay hawlgalladoodu u yihiin qosol-ku-jabka iyo hugunka” Ayuu yiri Boobe Yuusuf Ducaale.

Boobe Yuusuf Ducaale ayaa xukuumadda madaxweyne Siilaanyo hore uga soo noqday wasiirka warfaafinta, waxana muddo kooban kadib xilkaas looga qaaday khilaaf dartii, isagoo  intaas  kadibna ku biiray xisbiga mucaaridka Waddani.

GAROWEONLINE

Related Articles

Somaliland oo Dalbatay in Soomaaliya Dib Loogu Soo Celiyo Cunaqabateynta Hubka

Somaliland, oo 1991-kii ku dhawaaqday inay kaga go’day Soomaaliya inteeda kale balse aan weli helin aqoonsi caalami ah.

  • Somaliland

    03-08-2025

  • 03:52PM

Somaliland oo sharci darro ku tilmaantay maamulka cusub ee Waqooyi Bari

Wasiirka Warfaafinta, Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle, oo warbaahinta la hadlay kadib kulanka, ayaa sheegay in Somaliland...

  • Somaliland

    02-08-2025

  • 01:45PM