Somaliland: Mucaaradka oo ku heshiiyey gudoonka xeer-dejinta

Image
Image
Image

HARGEYSA, Somaliland - Xisbiyada Isbahaysiga mucaaradka ah ee WADDANI iyo UCID ayaa Talaadada maanta ah waxay si rasmi ah u shaaciyeen is-faham ku saabsan shir-guddoonka golaha wakiilada Somaliland.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay labada xisbi, mudaneyaasha oo tiradooda ay gaareyso saddex ayaa ayay xuseen in ay yihiin kuwa ay ku heshiiyeen in ay u kaal qabtaan shir-guddoonka baarlamaanka.

Illo wareedyo loo qaateen ah ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in is-fahamkan uu ka dhashay wadahadalo saddex casho qaatay oo hogaanka labada xisbi maalmihii lasoo dhaafay ku yeeshay Hargeysa.

Jagada Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayay u xusheen Xildhibaan Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo laga soo doortay gobolka SOOL kana soo baxay Xisbi siyaasadeedka WADDANI.

Ku xigeenka koowaad ee afhayeenka isla golahaas ayay isku afgarteen in uu u noqdo Xildhibaan Cumar Jaamac Faarax oo laga soo doortay gobolka (SANAAG) ka tirsan xisbiga UCID.

Halka guddoomiye ku xigeenka Labaad ay isku-waafaqeen in uu u noqdo sharci-dejiye Cali Xaamud Jibriil oo laga soo doortay gobolka AWDAL ee kuna tartamay magaca isla xisbiga UCID.

Hogaanka labada xisbi - Cabdiraxmaan Cirro (WADDANI) iyo Faysal Cali Waraabe (UCID) oo ka hadlay madasha lagu soo bandhigay mudaneyaasha ayaa kalsooni ka muujiyey wadashaqeyn ay yeeshaan.

WADDANI iyo UCID ayaa helay aqlabiyadda ugu badan ee baarlamaanka Somaliland kadib doorashooyinka qabsoomay horaantii bishan June taasoo meesha ka saartey xisbul-xaakimka muxaafidka ah ee KULMIYE.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland oo Dalbatay in Soomaaliya Dib Loogu Soo Celiyo Cunaqabateynta Hubka

Somaliland, oo 1991-kii ku dhawaaqday inay kaga go’day Soomaaliya inteeda kale balse aan weli helin aqoonsi caalami ah.

  • Somaliland

    03-08-2025

  • 03:52PM

Somaliland oo sharci darro ku tilmaantay maamulka cusub ee Waqooyi Bari

Wasiirka Warfaafinta, Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle, oo warbaahinta la hadlay kadib kulanka, ayaa sheegay in Somaliland...

  • Somaliland

    02-08-2025

  • 01:45PM