Somaliland: Mucaaradka oo hantey guddoonka xeerdejinta

Image
Cabdirisaaq Khaliif oo ka sharaxnaa xisbiga mucaaradka WADDANI ayaa ku guuleystay jagada afhayeenka golaha wakiilada. [Screenshot]

HARGEYSA, Somaliland - Mucaaradka Somaliland ayaa la wareegay shir-gudoonka Golaha Wakiiladda 5aad ee maamulkaas kadib doorasho adag oo Talaadada maanta ah ka qabsoontay xaruntooda magaalada Hargeysa.

C/risaaq Khaliif oo ka sharaxnaa xisbiga WADDANI ayaa ku guuleystay xilka afhayeenka golaha wakiilada Somaliland isaga oo 42 cod kaga badiyey Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon oo ay u coddeeyeen 39 mudane.

Fatartoon oo musharaxnimadiisu si weyn u maalgelineysay xukuumadda madaxwayne Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa uu horey u soo noqdey wasiirka arrimaha dibadda maamulkan.

Khaliif waa mid kamid ah ganacsatadda ugu sareysa degaanadda Somaliland. Xilal wasiir ayuu kasoo qabtey xukuumaddii Siilaanyo kahor inta uusan 2015-kii ka bixin KULMIYE una wareegin WADDANI.

Saciid Mire Faarax oo helay 41 cod kuna helay Xildhibaanada magaca xisbiga UCID ayaa loo doortey guddoomiye ku xigeenka koowaad, isaga oo ka adkaadey Cumar Jaamac Faarax ay u coddeysay 40 mudane.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ayaa loo doortey Cali Xaamud Jibriil oo helay 43 cod kuna helay Xildhibaanimada magaca xisbiga UCID, isaga oo ka guuleystay C/naasir Yuusuf Godax oo ay u coddeysay 38 sharci-dejiye.

Natiijadda kasoo baxdey doorashaddan waxay la macno tahay in xisbul xaakimka KULMIYE uu lumiyey guud ahaan  shir-guddoonka golaha, iyadda oo dhamaan xubnaha soo baxay ay ka tirsan yihiin dhinaca mucaaradka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM