​Somaliland: Muran ka taagan deked mac-mal ah

Image

BERBERA- Khilaaf gaadhay in gacanta la iskula tago, ayaa ka taagan deegaanka Ceel-garde oo qiyaastii 35KM dhinaca Bari kaga beegan magaalada Berbera, halkaas oo  laga hirgelinayey deked macmal ah. 

Wararka ayaa sheegaya in saaka aroortii hore dablay hubaysan weerar qorshaysan  ku qaadeen goobta dekedda laga hirgelinayey, iyagoo khasaare maaliyadeed gaadhsiiyey qalab cagafyo u badnaa oo qodista dekeddaas ku hawllanaa. 

Dablayda weerarkaas qaadday oo aan wali la aqoonsan, balse waxaa loo badinayaa inay kasoo jeedaan midka mid ah beelaha gobolka Saaxil, kuwaas oo kasoo horjeeda dhismaha dekedda deegaanka Ceel-garde. Weerarka kadib  dablayda falkaasi gaysatay ayaa goobta  iskaga baxday. 

Wararku waxa ay intaas ku darayaan in ciidamo ammaanka suga halkaas loo diray, iyadoo gudoomiyaha gobolkaas  Jaamac Yuusuf oo warbaahinta la hadlay meesha ka saaray inuu iska hor imaadkaasi dhaliyey wax khasaare ah. 

Dekedda lagu muransan yahay ee la doonayo in laga hirgeliyo Ceel-garde ayaa waxaa kasoo jeeda badi dadka degan gobolka Saaxil iyadoo aan la ogayn sababta keentay. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Catriona Laing oo booqasho Macsalaamaysa ah ku tagtay Somaliland

Kulanka waxa madaxweynaha ku wehelinayey wasiir-ku-xigeenka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga, ahna ku-simaha wasiirka, Rooda Jaamac Cilmi.

  • Somaliland

    14-05-2024

  • 05:43PM

Somaliland oo ku goodisay in ay dib usoo ceshaneyso Laascaanood

Hadalkan ayaa daba socda guul-darro weyn maamulka Hargeysa ku dhacday bishii Agoosto 2023.

  • Somaliland

    14-05-2024

  • 04:22AM