Somaliland “Nama khuseeyo Shirka London”

Image

HARGAYSA, Somaliland- Maamulka Somaliland ayaa ka hadlay shir maalinta Khamiista lagu wado inuu ka furmo magaalada London ee carriga Ingiriiska kaasoo looga hadlayo arrimo kala duwan oo khuseeya dalka Somalia.

Madaxda dowladda Federaalka Somalia iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa u dhoofay London, si ay shirkaas uga qayb galaan.

Balse, maamulka Somaliland oo sheegta inuu ka go’a Somalia inteeda kale ayaa ganafka ku dhuftay shirkaas, waxayna qireen inaysan khusayn waxyaabaha kasoo baxa.

Wasiirka wasaaradda Arrimaah Dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa tilmaamay in shirkaas uu yahay mid ay leedahay Somalia oo qura, islamarkaana wixii kasoo baxa uusan taaban doonin arrimaha Somaliland.

Wuxuu sheegay inay yihiin dal madax bannaan, islamarkaana aan lagu casuumin shirka Lonodon.

Isagoo sii hadlay Sacad ayaa sheegay in shirkaas Somalia oo kaliya uu khuseeyo.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya xilli maamulkaas uusan inta badan ka qayb galin shirarka Somalida maadama uu iskiis gooni isugu taagay, walow uusan helin aqoonsi caalami ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Biixi: Dhaqangelinta heshiiska badda ee Itoobiya iyo Somaliland waa mid aan la joojin karin

Laakin inta badan xubnaha beesha caalamka waxay u taagan yihiin midnimada Soomaaliya oo dhan taasoo wargelinaysa abaabulka kheyraadka iyo dirista.

  • Somaliland

    20-05-2024

  • 05:11PM

Catriona Laing oo booqasho Macsalaamaysa ah ku tagtay Somaliland

Kulanka waxa madaxweynaha ku wehelinayey wasiir-ku-xigeenka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga, ahna ku-simaha wasiirka, Rooda Jaamac Cilmi.

  • Somaliland

    14-05-2024

  • 05:43PM