Somaliland oo amarro soo saartay

Image

HARGEYSA- Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, ayaa shaacisay in marka la gaaro 11-bishan May ee sanadka 2016-ka ciidamada kala duwan ee ammaanka ku shaqada leh la faray inay si weyn u baaraan dadweynaha iyo gaadiidka gudaha Somaliland ku sugan.

War qoraal ah oo ay wasaaraddu soo saartay, ayaa lagu sheegay in ciidamada Booliska, kuwa laanta socdaalka iyo kuwa sirtoonkaba la faray inay u diyaar garoobaan baaritaan dheeri ah oo ay ku sameeyaan dadka iyo gaadiidkaba si loo kaantaroollo dhaqdhaqaaqa dadka ajaanibka iyo muwaadiniinta .

Ciidamada wax baari doona ayaa la sheegay inay dadka weydiin doonaan kaararka aqoonsiga muwaadinimo iyo kuwa ajaanibka ahba, iyadoo haatan loo diyaar garoobayo munaasibadda 18-ka May oo Somaliland si weyn looga xuso.

Shacabka ayaa la faray inay u diyaar garoobaan baadhitaankaas ciidanku samayn doonaan si ammaankooda loo xaqiijiyo.

Somaliland waxa ka socda diyaargarow ballaaran oo ku saabsan xuska 18- ka May oo ku beegan 25-sano guuradii kasoo wareegtay xilligii ay ku dhawaaqday madax bannaannideeda, waxana la filayaa in bandhigyo kala duwan lagu qabto Hargaysa iyo goobo kale.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo looga yeeray Jabuuti

Wuxuu madaxweynaha ku wehlinayaa safarkiisa xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda.

  • Somaliland

    21-05-2025

  • 09:19AM

Somaliland oo si rasmi ah u hakisay wadahadalladii Federaalka Soomaaliya

Somaliland ayaa sheegtay in ay si taxadar leh uga fiirsan doonto xiriirka iyo wadahadallada mustaqbalka DFS, iyadoo xaaladda sii xumaanaysa.

  • Somaliland

    16-04-2025

  • 04:54PM