Somaliland oo awaamiir cusub kusoo rogtey warbaahinta maxaliga

Image
Wasaaradda warfaafinta maamulka gooni-isu-taagga ah ayaa soo saartey amaradan.

HARGEYSA, Somaliland - Wasaaradda warfaafinta Somaliland ayaa Sabtida maanta ah waxay awaamiir kusoo rogtey warbaahinta ka howlgasha degaanada maamulkaas gooni-isu-taagga ah.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda oo nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online ayaa lagu sheegay in amarkan uu khuseeyo qaybaha kala duwan ee Warbanhinta - maqal iyo muuqaal.

Bayaanka ayaa lagu caddeeyay in ay mamnuuc yihiin in la baahiyo doodaha iyo wareysiyadda xambaarsan ariimaha liddigu kuah Diinta Islaamka, anshaxa ummadda ¡yo dhaqanka soo jircenka ah.

Qodobada la mamnuucay ayaa kala ah;

1. Doodaha, wareysiyadda iyo warbixinaha dhiirigalinaya caasi-waalidiinka

2. Doodaha, wareysiyadda iyo warbixinaha meel ka dhaca ku ah karaamada iyo sharafka huweenka iyo qoyska

3. Doodaha, wareysiyadda iyo warbixinaha meel ka dhaca ku ah karaamada shakhsiga

4. Doodaha, wareysiyadda ¡yo warbixinaha abuuri kara khilaaf-diineed horleh

"Hadaba, wasaaradda warfaafinta waxay ku adkaynaysaa warbanhinta in ay ka waantoobaan baahinta arrimahaasi baal-marsan dhaqanka suuban, iyada oo talaabo laga qaadi doono ciddi ku kacda arrimahaasi," ayaa lagu soo xiray qoraalka.

Amarkan ayaa waxa uu kusoo hagaagayaa xilli bilooyin kahor uu baraha bulshadda qabsadey muuqaalka gabar uu wareystey telefishin maxali ah taasoo u geysay qoyskeeda gaar ahaan hooyadeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM