Somaliland oo cambaareysay hadalkii kasoo yeeray UK

Image
Maamulka Hargeysa ayaa ku goodiyey in uu hakin doono wadaxaajoodyada dowlada Soomaaliya.

HARGEYSA, Somaliland - Xukuumadda Somaliland ayaa cambaareysay mowqifka ay dowladda Ingiriiska ka qaadatay maamulkan gooni-isu-taaga ah ee magaala madaxdiisu tahay Hargeysa.

Ciise Keyd Maxamuud, wasiirka arrimaha dibada Somaliland oo u waramay VOA-da, ayaa weerar dhanka afka ah wuxuu ku qaadey wasiirka arrimaha Afrika ee UK oo qadiyadan ka hadashay.

Haweenayda lagu magacaabo Vicky Ford oo Twitter-ka kaga falcelisay qadiyaddan ayuu tibaaxay in ay hayso "khibrad yari siyaasadeed, xog-ogaalnimo la'aan iyo faham la'aan siyaasadeed".

"Baarlamaankii ayaa arkeysay in uu ka hadlay qadiyadda. Marka xiriir wanaagsan ayaan la leenahay xukuumadda UK. Laakiin waxyaabo kala ayaa noo socda," ayuu hoosta ka xariiqay.

Wadahadalada dowladda Soomaaliya iyo Somaliland ayuu ku dhawaaqay in ay joojinayaan "mar haddii qolada Soomaaliya aysan diyaar u ahayn in laga gun kaaro wadaxaajoodyadda".

"Wadahadaladaas waxay soo bilowdeen 2009-kii. Illaa hadda wax miradhal ah kama soo bixin. Waanu joojinaynaa mar haddii madaxda Soomaaliya aysan diyaar u ahayn in laga gun gaaro," ayuu yiri.

Somaliland ayaa tan iyo 1991-dii waxay sheegataa in ay ka madax-banaan tahay Soomaaliya inteeda kale hase ahaatee waxay wali dunida u aqoonsan tahay maamul hoostaga Muqdisho.

"Midka ogsoonow wax aqoonsi ah oo dowladdaas Soomaaliya ay u hayso Somaliland oo haddaba waxaanu madax-banaaneyn muddo 30-sano ah," ayuu hadalkiisa kusoo gabagbaeeyay.

Baarlamaanka Ingiriiska ayaa asbuucii hore ka doodey aqoonsiga Somaliland. Balse, waxaa biyo-qabow ku shubay Ford oo xustey in Muqdisho iyo Hargeysa ay tahay in ay ka heshiiyaan ictiraafka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Itoobiya oo ciidamo boolis ah u tababaraysa maamulka Somaliland

Si kastaba ha ahaatee, lama bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan heshiiska.

  • Somaliland

    09-05-2024

  • 05:20PM

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM