Somaliland oo adeegsaneysa ciidamo si ay u xakameyso Coronavirus

Image

HARGEYSA, Somaliland – Guddiga Somaliland u qaabilsan ka hortagga faafitaanka caabuqa Coroanvirus ayaa Talaadada maanta ah wuxuu soo rogay xayiraadyo horleh oo ku qotoma xakameynta cudurka.

Mas'uuliyiin ka tirsan guddiga oo wariyeyaasha kula hadlay caasimadda Hargeysa ayaa shaaciyey in la mamnuucey goobaha lagu qayilo [marfishiyadda] si lamid ah meelaha dadka ku kulmaan.

Ciidamo gaar ah ayay daboolka ka qaadeen in loo sameyn doono la tacaalida "xanuunkaas aadka khatar u ah si ay u qabqabtaan dadka aanan u hogaan-samin amaradda kasoo baxa guddiga".

Maxamed Kaahin, wasiirka arrimaha gudaha maamulka Muuse Biixi Cabdi, ayaa tibaaxay in ciidamada lagu daabuli doono suuqyadda laga bilaabi berri oo Arbaco ah ah.

Ganacsatada kordhisa qiimaha cunooyinka daruuriga ah iyagoo ka faa'iideysanaya xaalada taagan ayay hoosta ka xariiqeen in loosoo bandhigi doono rayidka iyaddoo loo marinayo saxaafada.

"Talaabo sharciga waafaqsan ayaa sidoo kale laga qaadi doonaa," ayaa lagu yiri war qoraal ah oo guddiga kasoo baxay maanta.

Sidda ku xusan bayaanka, ma jirto cid laga helay calaamadaha cudurka oo ku sugan Somaliland, wallow ay jiraan warar sheegaya in shalay garoonka Hargeysa laga qabtay shaqsiyaad la tuhmay.

"Guddi ahaan waxaanu xoojin doonaa dedaalkeena, shacabkuna waa in ay muujiyaan feejignaan iyo taxadar badan oo aysan tagin goobaha lagu kulmo," ayaa lagu daray war-saxaafadeedka.

Ugu dambeyntii, wuxuu guddigu ka dhawaajiyey in ay dhowaan go'aano kasoo saari doonan baabuurta dadweynaha sidda Basaska iyo Taksiyadda, oo la aaminsan yahay in ay faafitaanka ka qeyb-qaadan karaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Qatar oo u yeertay Cabdiraxmaan Cirro kadib baaqii Xasan Sheekh

Dowladda Federaalka Soomaaliya weli kama aysan bixin wax jawaab rasmi ah oo ku saabsan casuumaadda Qatar usoo dirtay Cirro.

  • Somaliland

    27-06-2025

  • 08:48PM

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo looga yeeray Jabuuti

Wuxuu madaxweynaha ku wehlinayaa safarkiisa xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda.

  • Somaliland

    21-05-2025

  • 09:19AM