​Somaliland oo codsatay in dib loo furo wadahadalkeeda Somalia

Image

HARGAYSA, Somaliland- Xukuumadda Somaliland ayaa codsatay in dib loo furo wadahadalkii u socday Somalia maadama dhawaan la doortay dowlad cusub taasoo uu hogaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa shaaca ka qaaday in dib loo furo wada xaajoodka oo khusayn doona arrimaha; Nabadgelyada, Iskaashiga Dhaqaalaha iyo Horumarinta.

Sida lagu baahiyey Mareegta African Business, Wasiirka Arrimaha dibadda oo ka hadlayay shir lagu qabtay London oo lagu xusayay sannad guurada 26-aad ee ka soo wareegtay dib ula soo noqoshada madax-bannaanida Somaliland, waxa uu sheegay doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya loo doorta Bishii February ee la soo dhaafay, uu keeni doono in guul laga gaaro wadahadalka iyo iskaashiga labada dhinac ee Mustaqbalka.

“Waxaannu bilownay wadahadalka aanu la leenahay Soomaaliya sannadkii 2012-kii, waxaanan yeelanay wadahadalo soo taxnaa illaa muddadaas, waxaannu ka wada hadalnay arrimo badan oo aan horumar laga gaadhin marka laga reebo maamulka hawadda. Waxaanu qabnaa in dawladii hore ee Soomaaliya aanay u heelanayn wadahadalka, hase ahaatee dawladan cusubi waxay sheegtay inay ka go’an tahay wadaxaajoodku. Waxaannu filaynaa inaanu horumar ka gaadhi doono,” Ayuu yidhi Sacad Cali Shire.

Isagoo sii hadlaya Dr. Sacad Cali Shire, wuxuu sheegay, “Aakhirka, waxaannu u aragnaa in Somaliland iyo Soomaaliya noqon doonaan laba dal oo madax-bannaan oo iska kaashada dhinacyo badan, waxa jira mowduucyo badan oo aannu ka wada-hadli karno annaga iyo Soomaaliya oo ay ka mid yihiin dhinacyada nabadgelyada, hawadda, arrimaha la xidhiidha iskaashiga dhaqaalaaha, horumarinta iyo caafimaadka. Waxaannu beesha caalamku ugu baaqnay inay Soomaaliya ku cadaadiyaan in wada hadaladu midho-dhalaan.”

Sacad Cali Shire ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay sida caalamku uu idhihiisa ugu jeediyay Somalia oo kaliya halka Somaliland oo guulo la taaban karo gaartay la arki la'yahay.

“Somaliland waxay ku naaloonaysaa nabadgelyo iyo deganaansho, waxaana ka jirta dimuqraadiyad, waxaannu doonaynaa in beesha caalamku ay Somaliland ku abaal-mariso waxaa wanaagsan ee ay qabsatay oo aanay diirada saarin oo aanay garab gelin dalalka guuldaraystay sida Soomaaliya iyo meelaha kaleba.” Ayuu hadalkiisa ku daray wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland.

Wadahadalka labada dhinac ayaa guul darro ku tilmaamay dhowr jeer oo hore xilli uu waddanka Somalia madax k ahaa Madaxweyne Xasan Sheekh.

Lama oga xilliga wadahadalku u furmayo labada dhinac, balse Farmajo ayaa horay u ballan qaaday inuu la hadli doono Somaliland oo gooni isu taagtay muddo laga joogo 26 sano, waloow ilaa hadda aysan helin ictiraaf caalamiya.

GAROWEONLINE

Related Articles

Somaliland oo Dalbatay in Soomaaliya Dib Loogu Soo Celiyo Cunaqabateynta Hubka

Somaliland, oo 1991-kii ku dhawaaqday inay kaga go’day Soomaaliya inteeda kale balse aan weli helin aqoonsi caalami ah.

  • Somaliland

    03-08-2025

  • 03:52PM

Somaliland oo sharci darro ku tilmaantay maamulka cusub ee Waqooyi Bari

Wasiirka Warfaafinta, Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle, oo warbaahinta la hadlay kadib kulanka, ayaa sheegay in Somaliland...

  • Somaliland

    02-08-2025

  • 01:45PM