Somaliland oo dacwad ka dhan ah Puntland u gudbisay Mareykanka

Image
Mareykanka ayaa kamid ah daneeyeyaasha caalamka ee ugu tunka weyn arrimaha gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn.

HARGEYSA, Somaliland - Wasaarada arrimaha dibadda Somaliland oo ka jawaabtey qoraalkii safaaradda Mareykanka ayaa Puntland ku eedeysay in ay "sii hurineyso colaadda magaaladda Laascaanood".

Qoraal kasoo baxay wasaaradda oo ku taariikheysan 31-da March, 2023 ayaa qeyb ahaan wuxuu u muuqdey dacwad uu maamulka Hargeysa ka gudbinayo Puntland iyo xukuumadda Deni.

"Mareykanka waxaan ka codsanay in uu Puntland ku qanciyo in ay joojiso maleyshiyaadka ay kusoo daabuleyso Laascaanood. Haddii taas lagu guuldareysto, waxay sii hurin doontaa colaada," ayaa lagu yiri qoraalka.

Madaxwayne Deni oo muddo xileedkiisa ay uga dhiman tahay bilooyin ayaa dhowr goor wuxuu ku adkeystay in uusan qeyb ka ahayn colaada xarunta gobolka Sool balse taageerayo aragtida dadweynaha.

Dhawaqa Somaliland ayaa kusoo hagaagaya xilli xukuumadda Washington ay dhowaan ku tartarsiisay madaxwayne Muuse Biixi Cabdi in uu si degdeg ah ciidamadiisa uga soo saaro Laascaanood.

Fariinta safaaradda Ameerikaanka ah ee Muqdisho ayaa timid ka gadaal markii wadahadal dhinaca telefoonka ah uu dhexmaray danjire Andre Larry iyo Biixi kaasoo diiradda lagu saarey colaadda Laascaanood.

Mareykanka ayaa kamid ah daneeyeyaasha caalamka ee ugu tunka weyn arrimaha gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn, waxaana uu hoosta ka xariiqay baahida loo qabo in miiska wadahadalka lagu dhameeyo kiiskan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM