Waraabe: Sharci baan kasoo saareynaa calanka Soomaaliya

Image

HARGEYSA, Somaliland - Guddoomiyaha xisbiga UCID ee Somaliland Feysal Cali Waraabe ayaa sheegay in lasoo saari doono sharci "dambi ka dhigaya" in gudaha maamulka lagu sito calanka Soomaaliya.

"Sharci baa lasoo saaraya, qofkii lagu arko in uu sito calanka Soomaaliya waa dambigeeda waa la qoraya, xeer baa laga soo saaraya," ayuu ka sheegay magaaladda Boorama oo uu booqasho ku tagay.

MrWaraabe oo ka hadlayay taageereyaashiisa xisbigiisa mucaaradka ah ayaa sidoo kale wuxuu tibaaxay in lasoo saari doono xeer tallaabo looga qaadayo dadka jeedinaya hadallada colaada horseedi kara.

Hadalka Waraabe ayaa kusoo aadaya xilli dhowaan qaybo kamid ah maamulkan lagu xiray tobanaan dhalinyarro ah kuwaas oo loo beegsadey in ay u dabaaldegeen 26-ka June ayaga oo wata calanka Soomaaliya.

Taliska Booliska ayaa ka dhawaajiyey in shaqsiyaadkaas ay maxkamadda horgeyn doonan isla markaana cid walba oo ay ku cadaato eedeymaha loo jeediyey oo wali aan la shaacin ay "muteysan doonto ciqaab".

Hay'adda xuquuqul insaanka Somaliland ayaa warbixin ay soo saartey waxay ku caddeysay in ay dhalinyaradda la qabqabtey ay ku jiraan wiilal iyo gabdho ku guda jiray bartamaha sanad-dusiyeedka tacliinta.

"Waxaan ugu baaqeynaa hay'addaha garsoorka in ay waajibaadooda uga gutaan sidda ugu dhaqsiyaha badan," ayaa lagu soo gabagabeeyay war-saxaafadeedka kasoo baxay hay'adda.

Somaliland ayaa tan iyo 1991-dii waxay sheegataa in ay ka madax-banaan tahay Soomaaliya inteeda kale, balse waxa aysan wali aqoonsi ka helin Beesha Caalamka oo u aragta maamul hoostaga Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland oo si rasmi ah u hakisay wadahadalladii Federaalka Soomaaliya

Somaliland ayaa sheegtay in ay si taxadar leh uga fiirsan doonto xiriirka iyo wadahadallada mustaqbalka DFS, iyadoo xaaladda sii xumaanaysa.

  • Somaliland

    16-04-2025

  • 04:54PM

Soomaaliland oo Gaadiid iyo Hub ka Iibsatay Maleeshiyo Ku sugan Gobolka Sanaag

Tallaabooyinkan ayaa lagu sheegay inay muhiim u yihiin sidii loogu xasili lahaa gobolka Sanaag iyo guud ahaan Soomaaliland.

  • Somaliland

    06-03-2025

  • 09:14AM