Somaliland oo difaacdey "duulaanka" ay ku qaadeyso Laascaanood

Image
Maamulka Hargeysa ayaa ku eedeeyay Puntland in uu ku lug-leeyahay iska-hor-imaadyadda xarunta gobolka Sool.

HARGEYSA, Somaliland - Taliska Ciidamada maamulka Somaliland ayaa mar kale sheegay inay duulaan ku yihiin ciidamada SSC-Khaatumo ee Laascaanood ka dib dagaal culus oo Sabtidii shalay ka dhacay duleedka magaalada Laascaanood.

Faysal Cabdi Bootaan oo ah taliyaha guutada 12-aad ee ciidamada Somaliland ayaa shaaca ka dhigay in askartooda ay dhaq-dhaqaaqyo ciidan ka wadaan gudaha xarunta gobolka Sool.

Bootaan oo u waramay telefishinka ku hadla afka maamulka Hargeysa ayaa carabka ku adkeeyay in hadafkooda uu yahay in ay ilaashadaan gacan-ku-haynta Taliska Gooja-Cadde.

Taliyaha ayaa guulo ka sheegtey dagaalkii dhacay shalay, wuxuuna ku eedeeyay maamulka Puntland inay ku lug leeyihiin iska-hor-imaadyadda ka dhacaya magaaladda Laascaanood.

Isagoo ka jawaabaya sheegashada Somaliland, C/risaaq Maxamed Xasan oo ah afhayeenka Garaadada SSC ayaa sheegay inay dileen 100 askari oo ka tirsan ciidamada Somaliland, 100 kalena ay ka dhaawaceen, waxa uuna intaas ku daray inay jabiyeen ciidamada Somaliland dagaal.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii ciidamada Somaliland ay shaaciyeen inay doonayaan inay weerarro ka dhan ah ciidamada SSC ee Khaatumo ku qaadaan magaalada Laascaanood, taas oo muujinaysa " isbadal istaraatiijiyadeed".

In kasta oo ay jiraan dadaallo dhexdhexaadin ah oo ay wadeen dhinacyo kala duwan, isku dayo lagu doonayay in lagu gaaro xabbad joojin waa lagu guul dareystay. Dhinacyadan ayaa ku dhawaaqay xabbad joojin waqtiyo kala duwan, balse dagaalku ma joogsan.

Dhowaan ayay ahayd markii Maraykanka uu ugu baaqay labada dhinac inay u hoggaansamaan xabad joojinta, waxayna Somaliland u soo jeedisay inay ciidamadeeda kala baxdo meel fog, soo jeedintaas oo ay ku adkaatay inay Somaliland aqbasho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM