Somaliland oo go'aan kasoo saartay tartanka maamulada

Image

HARGEYSA, Somaliland – Ciyaartoyda kasoo jeeda Somaliland waxay muteysan karaan ciqaab hadii ay ka dheelaan tartanka maamulada Soomaaliya iyo gobolka Banaadir, sidda ay Talaadada maanta ah ka dhawaajisay Hargeysa.

Wasaaradda cayaaraha maamulka gooni-u-goosadka ah oo mamnuucidaas ku dhawaaqdey ayaa xustey in ay Xeer-ilaalinta u gudbineyso "in dambiile loo aqoonsado qofkii ka dheela tartamada kubada cagta Soomaaliya".

Cabdirashiid Caydiin Yaasiin, wgaasimaha waaxda cayaaraha oo u waramay telefishinka maxaliga ah ee Horn Cable, ayaa carabka ku dhuftay in ay "u siman yihiin siyaasiyiinta iyo ciyaaryahanada taga caasimada Muqdisho.

"Laga bilaabo sanadkaa 2021, ciyaaryahanka Somaliland u dhashay ee ka ciyaara Soomaaliya waa dambiile qaran; iyadda oo ay horey u jirtay, hadii ilduufkaas uu horay u dhacay oo arrimo aan xaqiiqadooda la ahayn ay noqotay laakiin ciddii la xaqiijiyo in naadiyadaa Soomaaliya ay ka ciyaareen waa dambiile qaran waxaana uu lamid yahay siyaasiga tegay Soomaaliya ee [huwan] magaca iyo sharafta Somaliland ee leh waanu kamid nahay [Soomaaliya]," ayuu xusay.

Mr Yaasiin ayaan kala caddeyn hadii go’aankan uu saameyn doono ciyaartoydii horey uga dheeshay tartamada kubada cagta dowladda federaalka Soomaaliya oo uu ugu dambeeyay midkii sanadkii 2021 uu gobolka Banaadir hantay.

Si lamid ah waxaan la ogeyn hadii go'aankan uu saameyn doono is-dhexgalkii kubada cagta kooxaha labada dhinac oo xilliyadda qaar dhici jiray.

Tan iyo 1991-dii, Somaliland ayaa sheegata in ay ka madax-banaan tahay Soomaaliya inteeda kale, balse wuxuu caalamka u aqoonsan yahay isla markaana taageeradda u soo mariyaa xukuumadda fadhigeedu yahay Muqdisho.

Go'aankan maanta kasoo baxay Somaliland ayaa baalmarsan is-afgaradyadii horey u dhaxmaray dowladda federaalka iyo Somaliland kuna saabsanaa in aan la siyaasadeyn arrimaha bulshadda oo ciyaaraha kubadda cagta kamid tahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM

Itoobiya oo u dhaqaaqdey fulinta heshiis beenaadkii Somaliland

Talaabadan ayaa waxa ay kusoo aadaysaa xilli Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu ku sugan yahay Kenya halkaas oo uu kawado olole xoogan.

  • Somaliland

    28-02-2024

  • 04:51AM