Somaliland oo iska fogeysay doorashooyinka Soomaaliya

Image
Dhawaqan ayaa yimid xilli shalay la shaaciyey musharaxiinta kuraasta Aqalka Sare ee gobolada waqooyi.

HARGEYSA, Somaliland - Wasaarada arrimaha dibada Somaliland oo war-saxaafadeed soo saartey ayaa sheegtay in maamulkaas uusan qeyb ka ahayn doorashooyinka dowladda federaalka Soomaaliya.

War-saxaafadeedka ayaa wargelin toos ah wuxuu siiyey Qaramadda Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo guud ahaan dalalka daneeya arrimaha Geeska qaaradda Afrika.

Sida laga soo xigtay qoraalkan lagu faafiyey barta mareega Twitter-ka ee wasaarada, Somaliland ayaa uga digaysa maamulka iyo siyaasiyiinta Soomaaliya "sheegashada metelaadda been abuurka ah".

"Jamhuuriyadda Somaliland oo ka mid ah Dalalka hoggaamiya dimuqraadiyadda Africa, waa dal leh nidaam doorasho oo dimuquraadi ah, isla markaana shacbigu doortaan golayaasha fulinta, sharci dejinta iyo dawladaha hoose, si xor iyo xalaal ah, oo qof iyo cod ah," ayaa la raaciyey bayaanka.

Somaliland ayaa tan iyo 1991-dii waxay sheegataa in ay ka madax-banaan tahay Soomaaliya inteeda kale hase ahaatee waxay dunida u aqoonsan tahay maamul hoostaga xukuumadda federaalka Muqdisho.

Dhawaqa wasaaradda ayaa kusoo aadaya xilli shalay lagu dhawaaqay liiska musharaxiinta kuraasta Somaliland ku metelaya Aqalka Sare ee baarlamaanka 11aad kuwaasoo ku baratamaya illaa sideed kursi.

Musharaxiintan oo ay ku jiraan mas'uuliyiin haatan xil ka haya xukuumadda xilgaarsiinta ah ayaa lagu dooran doonaa magaala madaxda Muqdisho maadaama aysan tagi karin degaanadda ay kasoo jeedaan.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM