Somaliland oo iska-fogeysay eedeyn kaga timid Puntland

Image
Labada dhinac ee deriska ah ayaa isku-haya gacan-ku-haynta gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn.

HARGEYSA, Somaliland - Somaliland ayaa Sabtida maanta waxay gaashaanka ku dhufatay eedeyn uga timid dowladda Puntland xilli xiisadda labada dhinac ay bilooyinkii lasoo dhaafay mar kale soo cusboonaatay.

Dhawaqa maanta kasoo yeeray Taliyaha guud ee Ciidamada Somaliland General Nuux Ismaaciil Taani ayaa jawaab u ah hadal kasoo yeeray Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Puntland, Abshir Cabdi Jaamac.

Taani ayaa "deel-qaaf" ku sifeeyay eedeyn uu Jaamac u jeediyey Somaliland oo ahayd "in ay magan-galiyo siiso" kooxaha argagixisadda ah ee ka dagaalama Soomaaliya oo ah Al-Shabaab iyo Daacish.

Iska-fogeynta eedeynta ayuu u soo daliishadey warbixintii dhowaan Mareykanka uu liiska madow ugu daray sideed shaqsi oo reer Puntland kuwaasoo uu lagu eedeeyay in ay hub u iibiyaan kooxda ISIL.

"Anagu dagaal ma jecelnin wixii uu yahayna waanu naqaanaa. Haddii ay danta nagu kalifto dad ka mirodhaliya ayaanu nahay," ayuu yiri. "Hanjabaada anaga dad u jilca ma nihin," ayuu intaas sii raaciyey.

Abshir ayaa eedeynta jeediyey isaga oo jooga duleedka magaalada Boocame halkaasoo dhowaan ciidamadda Somaliland ay soo galeen ayna mas'uuliyiin ka tirsan maamulkaas ay raashiin ka qaybiyaan aaggaas.

Gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn ayaa waxaa ku muransan Puntland iyo Somaliland. Isku-dhacyo dhowr ah oo halkaas ku dhexmaray ayaa galaaftey nolol badan. Sidoo kale, waxaa guriyahooda uga barakacay boqolaaal qoysas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM