Somaliland oo iska-fogeysay tirokoob ay daahfurtey Soomaaliya

Image
Hargeysa ayaa tan iyo 1991-dii waxay sheegataa in ay ka madax-banaan tahay Muqdisho inteeda kale.

HARGEYSA, Somaliland - Maamulka Somaliland ayaa qashinka ku daray tirokoob ay daahfurtey dowladda Soomaaliya taasoo ay soo diyaarisay Wasaaradda Qorsheynta xukuumadda federaalka ah.

War-saxaafadeed kasoo baxay Golaha Wasiirada maamulka Hargeysa ayaa lagu caddeeyay in aysan qeyb ka ahayn tirokoobkan maadaama "aan kasii horeyna jiritaanka Soomaaliya".

"Sidaa darteed, Jamhuuriyadda Somaliland iyo Xuduudaheedu waxay u jiraan si sharci ah (de jure)," ayaa lagu yiri bayaankan oo lagu faafiyey ciwaanka Facebook-ga ee xafiiska warfaafinta Madaxtooyada Somaliland.

Qoraalka ayaa la raaciyey "Waa in Hay’adaha Dawladda [Somaliland] ay fuliyaan Qorshaha Horumarinta Qaranka ee 3aad (NDP3)" taasoo ka dhigan in aysan ku dhaqmin karin tirokoobka dowladda Soomaaliya.

Somaliland ayaa tan iyo 1991-dii waxay sheegataa in ay ka madax-banaan tahay Soomaaliya inteeda kale, hase ahaatee, illaa haatan ma aysan helin wax aqoonsi caalami ah.

Beesha Caalamka ayaa ula dhaqanta maamulka Hargeysa sidda maamul goboleed hoostaga xukuumadda Muqdisho halkaasoo loosoo mariyo mashaariicda caalamiga ah kahor inta aan loo dirin.

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tan iyo markii dib loo doortry 15-kii May waxa uu caddeeyay in uu wadaxaajood toos ah la galayo Somaliland balse wuxuu meesha ka saarey kala go'itaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM