Somaliland oo ka digtay in la dhibaateeyo Oromada

Image

HARGAYSA, Somaliland- Mas’uuliyiin katirsan golaha xukuumadda Somaliland ayaa sheegay inay heegan galiyeen ciidamada Booliiska si looga hortago dhibaato loo gaysto dadka ku nool deegaanada Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday inay gooni isu taagtay.

Wasiir dowlaha amniga Somaliland Maxamed Muuse Diiriye oo qaar kamid ah warbaahinta kula hadlayay magaalada Hargaysa ayaa ku baaqay inaan dhibaato loo gaysan dadka kasoo jeeda Qowmiyadda Oromada, kadib rabshado Soomaali badan lagu laayay oo ka dhacay deegaanka Hawadaay ee Bariga Ethiopia.

‘’Waad ogtihiin in labo ruux ka soo jeeda qowmiyada Oromada la dilay kuwaa oo hadda meydkooda yeelo Hargeysa, sidaa daraadeed waxaa ka digeynaa in la wax yeeleeyo dadka ka soo jeeda ama u dhashay Itoobiya gaar ahaan qowmiyada Oromada,’’ Ayuu yiri wasiiru dowlaha amniga.

Wuxuu sheegay inay heegan galiyeen ciidamada amniga si looga hortago in la beegsado dadkaas, wuxuuna intaas ku daray inaysan dhici doonin in la bartilmaameedsado shakhsiyaad aan waxba galabsan.

‘’Laamaha amniga waxaa la farayaa in ay sugaan nabad-galyada, ilaaliyaan amniga dadkaas oo aan wax yeelo loo geysan,” Ayuur yiri Maxamed Muuse Diiriye.

Dhinaca kale wasaaradda arrimaha Dibadda Soomaliland ayaa sheegtay inay baaritaan ku hayso dhibkii ka dhacay deegaanka Hawadaay, maadaama ay mashaqadaas waxyeello kasoo gaartay ganacsato kasoo jeeda Somaliland.

“Waad ogtihiin Safaaradeena Ethiopia, waxay joogta Herar, waxaana baaritaan ku wadnaa sidii ay wax u dhaceen,” Ayuu yiri wasiir dowlaha wasaaraddaas oo hareer fadhiyay Maxamed Muuse Diiriye.

Hadalkan ayaa yimid kadib markii askari katirsan ciidamada Booliiska uu bar kantarool oo ku taala inta u dhaxaysa Arabsiyo iyo Hargaysa uu ku dilay labo qof oo kasoo jeeda Qowmiyadda Ethiopia sidoo kalena uu dhaawacay mid kale.

Arrintan ayaa saamayn ku yeelatay ganacsiga Qaadka loo yaqaano Haawadaayga oo aad looga isticmaalo deegaanada Somaliland, waxaana haawanaya suuqyada lagu iibiyo inkastoo maanta la keenay Jaad yar oo wararku sheegayaan in lagusoo dhoofiyay Diyaarad.

GAROWEONLINE

Related Articles

Biixi: Dhaqangelinta heshiiska badda ee Itoobiya iyo Somaliland waa mid aan la joojin karin

Laakin inta badan xubnaha beesha caalamka waxay u taagan yihiin midnimada Soomaaliya oo dhan taasoo wargelinaysa abaabulka kheyraadka iyo dirista.

  • Somaliland

    20-05-2024

  • 05:11PM

Catriona Laing oo booqasho Macsalaamaysa ah ku tagtay Somaliland

Kulanka waxa madaxweynaha ku wehelinayey wasiir-ku-xigeenka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga, ahna ku-simaha wasiirka, Rooda Jaamac Cilmi.

  • Somaliland

    14-05-2024

  • 05:43PM