Somaliland oo ka falcelisay qodobkii lagu soo daray qoraalka shirka Jabuuti

Image

HARGEYSA, Somaliland – Somaliland ayaa durba waxay ka jawaabtay qodobkii lagu soo daray war-murtiyeedkii xalay saqdii dhexe laga oo saarey shirkii Jabuuti ee wadahadalada dowladda Soomaaliya iyo maamulkaas.

Qodobka lagu soo daray bayaanka ahaa qeexaya in la furay isu socodka labada dhinac gaar ahaan dhaqanka, ganacsiga, waxbarashada iyo cayaaraha. Balse, waxaanan lasoo hadal-qaadin isu gudubka siyaasiyiinta.

Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir [Faratoon], wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, ayaa muujiyey in ay ayidsan yihiin qodobka dheeriga ah.

Isagoo ka jawaabaya waydiin la xiriirta sababta keentay xilligan in ay ogolaadaan isu socodka labada dhinac xilli ay Hargeysa ku xiran yihiin fanaaniin kasoo heesay Muqdisho, Faratoon ayaa difaacay talaabada ay qaadeen.

"Marna Somaliland ma diidin is-dhexgalka iyo isu socodka bulshadda iyo wadahadalka; Somaliland waxay diidey isu socod siyaasadeed oo ujeedooyin siyaasadeed iyo khakhal abuuraya loogu soo talagalay, markaa sidaa loo sheegay ee loo balbalaariyey wixii dhaqan ah waa arrimo nabad-gelyo iyo xasilooni," ayuu u sheegay warbaahinta maxaliga ah ee caasimada Hargeysa.

Maamulkan gooni u goosadka ah tan iyo 1991-dii ayaa sanadihii lasoo dhaafay xabsi u taxaabay shaqsiyaad caan ah oo tagay Muqdisho.

Dhanka kale, wasiir Faratoon oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu si cad u shaaciyey in ay kasoo horjeedaan qodob kale oo ku jiray bayaanka oo ahaa in guddi loo saarey in ay go'aan ka gaaraan maamulka hawada.

"Qolada soo saarteyna waan u sheegayna, wayna garteen in ay qalad ahayd, waana sixi doonan," ayuu raaciyey, isagoo muujiyey in ay kasoo horjeedaan in la adeegsaday eray-bixinta ah "hawada Soomaaliya".

Wada-xaajoodyadda Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo Somaliland ayaa waxaa qorshuhu yahay in ay mar kale dib uga bilowdaan isla Jabuuti 45-casho kadib, iyaddoo loogu gogol xaarayo wadahadal fool ka fool ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM