​Somaliland oo ka hadashay dib u dhaca wadahadalka

Image

HARGEYSA- Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay dibudhaca markii labaad muddo hal toddobaad ah ku yimi wada-hadalladii ay lahayd Somaliya oo lagu waday inay bilowgii toddobaadkan ka furmaan waddanka Turkiga.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire oo arrintan ka hadlay, ayaa ka gaabsaday inuu carrabka ku dhufto sababta dhabta ah ee wada-hadalladaas dib u dhigtay, waxase uu shaaciyey bisha barakaysan ee Ramadaanta kadib ay dib u furmi doonaan.

 “Kolay wada hadaladii dib ayey u dhacaan, anigu diyaar ayaanu u in aanu galno, laakiin sabab cad oo ilaa hadda naloo sheegay oo dib u dhaca keentay ma jirto, laakiin waxay si toos ah u bilaabi doonana marka ay bishan Ramadaan ina dhaafto haddii ALLE idmo,” Ayuu yidhi wasiir Sacad Cali Shire.

Wada-hadallada Somaliland iyo Somaliya u dhexeeya, ayaa soo bilaabmay sannadkii 2012-kii, waxana markii dambe xarun u noqday waddanka Turkiga oo labada dhinac marar badan ku kulmeen, balse ilaa iyo haatan wax natiijo ah oo la taaban karaa kama ay soo bixin.

GAROWEONLINE

Related Articles

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM