Somaliland oo ka hadashay gaari ay ku wareejisay Puntland

Image
Image

HARGEYSA-Saraakiil katirsan wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, ayaa xubno katirsan wasaaradda arrimaha gudaha Puntland si rasmi ah ugu wareejiyey gaariga  madaxweyne-ku-xigeenka Puntland oo dhawaan ninkii wadaha ka ahaa ula soo galay ciidanka Somaliland ee jiidaha bariga ku sugan.

Gaarigaan oo noociisu yahay HILUX (Xaajiyad), ayaa  si  rasmiya   lagula kala wareegay xadka u dhexeeya Somaliland iyo Puntland, waxana saraakiishii  la kala wareegay si weyn isaga mahadiyeen wada-shaqaynta dhinaca ammaanka ee dhexdooda taalla. 

Gaariga madaxweyne-ku-xigeenka Puntland, ayaa maalmo ka hor waxa  ninkii wadaha ka ahaa uu lasoo galay xero ku taalla aagga degmada Widhwidh oo fadhiisin u ah Ciidanka Somaliland, waxana darawalkii gaarigaas uu ku andacooday inuu mushahar laba sano iyo badh ah ku leeyahay madaxweyne-ku-xigeenka.

War-saxaafadeed  masuuliyiinta wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland kaga hadleen wareejinta gaarigaas, ayaa lagu sheegay in masuuliyiinta maamulka Puntland  lagu wareejiyey lagala hadlay mushaharka uu tabanayo  ninka wadaha ah oo haatan jooga dhinaca Somaliland.

Somaliland iyo Puntland waxa ka  dhexeeya wada-shaqayn dhinaca ammaanka ah, waxana ay inta badan is weydaarsadaan isuna celiyaan  cidkasta oo ay  lagu tuhmo dembi, kaas oo isku daya inuu magansado dhinaca kale.

GAROWEONLINE, Hargeysa 

Related Articles

Somaliland oo Dalbatay in Soomaaliya Dib Loogu Soo Celiyo Cunaqabateynta Hubka

Somaliland, oo 1991-kii ku dhawaaqday inay kaga go’day Soomaaliya inteeda kale balse aan weli helin aqoonsi caalami ah.

  • Somaliland

    03-08-2025

  • 03:52PM

Somaliland oo sharci darro ku tilmaantay maamulka cusub ee Waqooyi Bari

Wasiirka Warfaafinta, Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle, oo warbaahinta la hadlay kadib kulanka, ayaa sheegay in Somaliland...

  • Somaliland

    02-08-2025

  • 01:45PM