Somaliland oo ka hadashay kulanka Farmaajo iyo danjiraha Shiinaha

Image

HARGEYSA, Somaliland – Maamulka Somaliland ayaa markii ugu horeysay wuxuu ka falceliyey kulankii ay Muqdisho ku yeesheen madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyo danjiraha dalka Shiinaha.

Isa-aragga dhinacyadda ayaa diiradda lagu saarey xiriirka ay ku dhawaaqeen Somaliland iyo Taiwan oo ah maamulo aan aqoonsi ka haysan dunida, balse sheegta in ay ka madax-banaan yihiin Soomaaliya iyo China.

Farmaajo iyo danjire Qin Jian oo naqdiyey "cilaaqaadkaas diblumaasiyadeed" kuna qeexay xadgudub ka dhan ah madax-banaanidooda ayaa isku raacay adkeynta ixtiraamka iyo qaranimadda labada wadan.

Yaasiin Maxamed Xiir [Faratoon], wasiirka arrimaha dibadda Somaliland oo u waramay laanta Af Soomaaliga ee VOA-da, ayaa ku adkeystay in aysan "khuseyn waxay ku heshiiyaan kana wada hadleen labada dhinac".

"Waa waxaanu fili karno, labadooda taas ayay kuwada socdaan, laakiin annaga nama khuseeyo waxay iyagu ku heshiiyaan iyo waxay kawada hadleen, mid aan annaga kula socono ma ahan oo ku raacsan nahay iyaga ayay danahooda tahay, annaga iyo Taiwan-na dano kalaa naga dhaxeeya," ayuu tibaaxay.

Shiinaha ayaa Taiwan u arka Jaziirad ama qayb kamid ah dhulkiisa, waxaana arrintaas uu kula colaadoobay dowlada Mareykanka kamid yahay.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata oo carabka ku dhuftay in ay diyaar u yihiin wadashaqeyn iyo xiriir fiican oo dowlada China ay la yeeshay ayaa meesha ka saarey "in ay ogolaanayaan wixii lidda ku ah heshiiska xiriirka Tawain".

Mr Faratoon ayaa qiray in talaabooyinkii ugu dambeeyay ee dowladda federaalka qaadey sidda cambaareynta xiriirka Taiwan iyo celinta diyaaradii Khaadka sidday ee Kenya ay saameyn karaan wadahadalada u bilowday.

Wafdigii dhowaan ka yimid Kenya ee la kulmay Muuse Biixi Cabdi ayuu hoosta ka xariiqay in uu qayb ka yahay booqashooyin ay is-dhaafsadeen, wallow uusan si furan u sharaxin ajendaha iyo ujeedada ka dambeysa.

Somaliland ayaa 1991-dii ku dhawaaqdey in ay ka go'dey Soomaaliya inteeda kale, balse wali wuxuu caalamka u aqoonsan yahay maamul goboleedka si toos ah u hoostaga xukuumada fadhigeedu yahay caasimada Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM