Somaliland oo ka jawaabtay hadal kasoo yeeray Rooble

Image

HARGEYSA — Mamaulka Somaliland ayaa si kulul uga jawaabey hadalkii Rooble ee ku aadanaa dadka Shacabka ah ee sida qasabka looga soo barakicinayo magaaladda Laascaanood, ee xarunta gobolka Sool.

“Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya wuxuu doortay inuu gudbiyey akhbaaraad aan sal iyo raad laheyn iyo eedeymo ku saabsan arrimo la xiriira go’aanka sharciga iyo lagama maarmaamaanka ah ee dowladda Somaliland ay ku masaafurineyso shakhsiyaad gaar ah, oo si aan sharci aheyn ku deganaa Laascaanood,” ayay tiri Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland.

Qoraal kasoo baxay maanya Wasaaradda ayaa sidoo kale lagu sheegay inay muddo ku dhow 30 sano hoy nabdoon u aheyd Somaliland dad kasoo jeeda koonfurta dalka Soomaaliya.

“Waa muhiim inaan adkeyno in go’aanka dhulka Somaliland looga masaafurinayo shakhsiyaadka la doortay uu ka dhashay arrimo quseeya amniga, oo ay ka mid yihiin codsi ka yimid bulshada iyo mas’uuliyiinta Laascaanood,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Somaliland ayaa intaasi ku dartay in warbixino sirdoon ay ku ogaatey in shakhsiyaad halis gelinayeen ammaanka bulshada deegaanka ay ahaayeen dadka laga soo tarxiilay Laascaanood 2-dii iyo 3-dii bishan, kuwaasoo baabuurta xamuulka lagu geeyay Gaalkacyo.

Somaliland ayaa sheegtay inay yihiin arrimo ka baxsan xuduudaha diblomaasiyadda in dowladda Soomaaliya ay faro-geliso arrimaheeda, waxayna ku tilmaantay hadalka Rooble mid aan la aqbali karin.

Waxay Wasaaradu sheegtay in hadallada kasoo yeeray Madaxda DF ay yihiin Daan-daansi aan loo qaadan karin, wuxuuna caddeymo dheeraad u yahay in "maamulka Muqdisho" aan loo arkin saaxiib caalami ah oo la aamini karo, marka ay noqoto nabadda, ammaanka iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM