Somaliland oo ka jawaabtey go'aankii xukuumada Somalia

Image

HARGEYSA-  Somaliland ayaa sheegtay in go’aannadii ka soo baxay shirkii madasha lagu go’aamiyay qaabka doorashada Soomaaliya ee 2016 aanay khuseyn.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde ayaa sheegay in Somaliland ay mar hore ka go’day Soomaaliya, islamarkaana cid ka wakiil ah aanay uga qeybgalin shirkaasi.

Wareysi uu siiyey VOA, ayuu Warancade ku sheegay in wax lagu qoslo ay tahay in madaxda Somaali-da ay weli sheeganayaan “Dal ka go’ay 25 sano ka hor”.

Qoraal kasoo baxey xukuumada federaalka Somalia ayaa lagu shegeey in Somaliland qayb ka tahay nidaamka xulashada Barlamanka Somalia oo la filayo in dalka ka dhaco sanadkaan dabayaqadisa.

Magaalada Muqdishu ayaa wxaa ku sugan dad kasoo jeeda gobolada Somaliland kuwaoo ka tirsan barlamanka, xukuumada iyo hay'adaha kale ee dowlaiga ah.

Somaliland ayaa dalka Somali ka go'adey igabi ahaanba iyada oo aan weli helin aqoonsi caalami ah.

DHAGEYSO: 

VOA+GAROWEONLINE

Related Articles

Itoobiya oo ciidamo boolis ah u tababaraysa maamulka Somaliland

Si kastaba ha ahaatee, lama bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan heshiiska.

  • Somaliland

    09-05-2024

  • 05:20PM

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM