Somaliland oo ka Walaacsan aqoonsiga SSC-Khaatumo.

Image

Hargeysa, Soomaaliya - Xukuumada Somaliland ayaa War-saxaafadeed ay soo saartay waxaa ay ku muujisay sida ay uga xuntahay aqoonsiga ay dowlada federaalku siisay maamulka SSC-Khaatumo.

"Waanu ka xumahay in dowlada federaalku aqoonsato maleeshiyaadka Qabiil ee Laascaanood ku sugan waana arin saamaynaysa degenaanshiyaha geeska ".

Qoraalka Somaliland ayaa caalamka loogu baaqay in la ixtiraamaan xuduudaha 1960 balse Somaliland oo muddo sanooyin ah qeylinaysay ayaanu caalamku marna dhag jalaq usiin sheegashadooda in ay dal noqdaan.

Dowlada Dunida ayaa Somaliya u aqoonsan jamhuuriyad federaal ah isla markaana Dastuurka qabyada ah ayaa u fasaxaya gobalada in ay toos u hoos tagaan dowlada dhexe.

Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa aqoonsatay SSC-Khaatumo iyada oo caalamka ka codsatay in lagala shaqeeyo gar-gaarka iyo Horumarinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro oo dowladda Soomaaliya iyo Jabuuti ku eedeeyay faragelin, difaacayna xiriirka Israa’iil

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha uu jeediyay Madaxweynaha Somaliland.

  • Somaliland

    28-05-2026

  • 03:13PM

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM